Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaanada Golaha shacabka oo ka dooday Miisaaniyadda sanadka 2019-ka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Xildhibaanada Golaha shacabka oo ka dooday Miisaaniyadda sanadka 2019-ka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka guud ee mudanayaasha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa maanta looga hadlay hal ajende oo ahaa Warbixinta iyo ka doodista Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka, waxaana ugu horeyn guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo kulanka shir gudoominayay uu sheegay in kalfadhigan geba-gebada maraya uu wax badan qabtay islamarkaana uu ansixiyay afar hindise sharciyeed,wuxuuna Xildhibaanada ka codsaday in Miisaaniyada ansixiyaan maadaamaa ay dalka muhiim u tahay.

Guddiga Miisaaniyadda,Maaliyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka ayaa golaha u aqriyay warbixin hour dhac ah oo ku saabsan odoroska miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019-ka.

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

Kulanka oo  uu sidoo kale ka qeyb galay guddoomiye k-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka aragtiyadooda ka dhiibtay Warbixinta uu gudiga soo gudbiyay, iyagoo qaarkood su’aalo miisaaniyada ku saabsan weydiinayay Madaxda Wasaaradda oo kulanka joogtay.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xildhibaanada u faah faahiyay qodobada qaar oo warbixin miisaaniyadeedka ku xusnaa.

Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda,Maaliyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji ayaa uga mahad celiyay xildhibaanada golaha shacabka talooyinka ay warbixinta miisaaniyadda ku biiriyeen.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray  ayaa sheegay in guddiga iyo wasaaradda ay iska kaashanayaan talooyinka xildhibaanada, kulanka kan xigana miisaaniyadda cod la gelin doono.

Previous Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo socdaalkiisa ugu horeeyay ku tegay Xudur “SAWIRRO”

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo wafdi u dirtay deegaannada ay colaad beeleedyada ka dhaceen “SAWIRRO”

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo wafdi u dirtay deegaannada ay colaad beeleedyada ka dhaceen “SAWIRRO”

Dowladda Soomaaliya oo wafdi u dirtay deegaannada ay colaad beeleedyada ka dhaceen “SAWIRRO”

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In