Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaanada Haweenka ah ee baarlamaanka oo la kulmay Ururada Haweenka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Xildhibaanada Haweenka ah ee baarlamaanka oo la kulmay Ururada Haweenka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanada Haweenka ah ee kujira Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxa ay kulan kula qaateen qaar ka mid ah Ururada Haweenka, kan Gobolka Banaadir iyo  Ururada bulshada rayidka, kaas oo looga hadlayay der-der gelinta kaalinta haweenka  ay ku yeelan karaa siyaasadda dalka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa su’aalo lagu weydiiyay xildhibaanada Haweenka ah ee kujira Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya su’aalahaas oo in tooda badan ku saab sanaa Awood siinta Dumarka Soomaaliyeed, ilaalinta Xaquuqdooda, in ay ka dhexmuuqdaan Hogaaminta siyaasadda iyo in shaqo loo abuuro gabdhaha ka soo baxa Jaamacadaha dalka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Sacdiyo Cusmaan Geedi oo ku hadleysay magaca Haweenkii ka socday Ururada Bulshada rayidka ah ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegtay in xildhibaanada maanta ay la kulmeen ay kala hadleen in shaqo loo helo Dumarka Soomaaliyeed iyo in ay ka dhexmuuqdaan Siyaasadda dalka isla markaana ay rajeynayaan in ay qodobadaas la dhaqan geliyo.

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga kheyraadka ee baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Sacdiyo Cumar Shegow  ayaa sheegtay in shirkan maanta uu muhiimad gaar ah u lahaa dhamaan kasoo qeyb galayaasha iyado sidoo kale sheegtay in dhamaan qodobadii ka soo baxay ay noqon doonaan kuwo la dhaqan geliyo

guddoomiyaha Golaha Haweenka ah ee baarlamaanka Soomaliya Xildhibaan Biibi Khaliif Maxamed oo ugu dambeyn la hadashay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegaty in u jeedka kulanka uu ahaa dhiirigelinta haweenka iyo in markasta Dumarka Xildhibaanada ah ay diyaar u yihiin in ay soo dhiciyaan xuquuqda ay gabdhaha ku leeyihiin Dowladda,  isla markaana ay rajaynayaan in la dhaqan galiyo dhamaan qodobadii laga wada hadlay maanta.

Previous Post

Danjire Sidikou oo ka hadlay guulaha ay sida wada jirka ah u gaareen ciidanka AMISOM iyo ciidanka Xoogga dalka

Next Post

Maxaabiista Xabsiga Garowe oo kulan Kubadda cagta la yeeshay Koox ka socotay Garoonka Classic “SAWIRRO”

Next Post
Maxaabiista Xabsiga Garowe oo kulan Kubadda cagta la yeeshay Koox ka socotay Garoonka Classic “SAWIRRO”

Maxaabiista Xabsiga Garowe oo kulan Kubadda cagta la yeeshay Koox ka socotay Garoonka Classic “SAWIRRO”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In