Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaanada Haweenka ah ee baarlamaanka oo la kulmay Ururada Haweenka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Xildhibaanada Haweenka ah ee baarlamaanka oo la kulmay Ururada Haweenka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanada Haweenka ah ee kujira Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxa ay kulan kula qaateen qaar ka mid ah Ururada Haweenka, kan Gobolka Banaadir iyo  Ururada bulshada rayidka, kaas oo looga hadlayay der-der gelinta kaalinta haweenka  ay ku yeelan karaa siyaasadda dalka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa su’aalo lagu weydiiyay xildhibaanada Haweenka ah ee kujira Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya su’aalahaas oo in tooda badan ku saab sanaa Awood siinta Dumarka Soomaaliyeed, ilaalinta Xaquuqdooda, in ay ka dhexmuuqdaan Hogaaminta siyaasadda iyo in shaqo loo abuuro gabdhaha ka soo baxa Jaamacadaha dalka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Sacdiyo Cusmaan Geedi oo ku hadleysay magaca Haweenkii ka socday Ururada Bulshada rayidka ah ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegtay in xildhibaanada maanta ay la kulmeen ay kala hadleen in shaqo loo helo Dumarka Soomaaliyeed iyo in ay ka dhexmuuqdaan Siyaasadda dalka isla markaana ay rajeynayaan in ay qodobadaas la dhaqan geliyo.

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga kheyraadka ee baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Sacdiyo Cumar Shegow  ayaa sheegtay in shirkan maanta uu muhiimad gaar ah u lahaa dhamaan kasoo qeyb galayaasha iyado sidoo kale sheegtay in dhamaan qodobadii ka soo baxay ay noqon doonaan kuwo la dhaqan geliyo

guddoomiyaha Golaha Haweenka ah ee baarlamaanka Soomaliya Xildhibaan Biibi Khaliif Maxamed oo ugu dambeyn la hadashay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegaty in u jeedka kulanka uu ahaa dhiirigelinta haweenka iyo in markasta Dumarka Xildhibaanada ah ay diyaar u yihiin in ay soo dhiciyaan xuquuqda ay gabdhaha ku leeyihiin Dowladda,  isla markaana ay rajaynayaan in la dhaqan galiyo dhamaan qodobadii laga wada hadlay maanta.

 

 

Previous Post

Danjire Sidikou oo ka hadlay guulaha ay sida wada jirka ah u gaareen ciidanka AMISOM iyo ciidanka Xoogga dalka

Next Post

Maxaabiista Xabsiga Garowe oo kulan Kubadda cagta la yeeshay Koox ka socotay Garoonka Classic “SAWIRRO”

Next Post
Maxaabiista Xabsiga Garowe oo kulan Kubadda cagta la yeeshay Koox ka socotay Garoonka Classic “SAWIRRO”

Maxaabiista Xabsiga Garowe oo kulan Kubadda cagta la yeeshay Koox ka socotay Garoonka Classic “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In