Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Haweenka ah ee Baarlamanka Soomaaliya oo tababar loogu soo xiray Nairobi”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Haweenka ah ee Baarlamanka Soomaaliya oo tababar loogu soo xiray Nairobi”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarkani xildhibaanada haweenka ee baarlamanka Soomaaliya loogu soo xiray Magalaada Nairobi ayaa waxa uu ku saabsanaa la xisaabtanka qeybaha kala duwan ee hay,adaha dowlada,sidii ay xuquudoooda ku heli lahaayeein haweenka Soomaliyeed iyo horumarinta tayada xildhibanada haweenka ee ku jira baarlamaanka.

Tababarkan oo uu soo qaba qaabiyay baarlamanka yurub ee AWEPA ayaa waxaa loo qabtay xildhibaano isugu jira 21- haweeen ah iyo 6-xildhiban oo ah la taliyayaal.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

August 30, 2026
Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026

Xiritaanka Tababarkani ayaa waxaa goob jog ka ahaa ku simaha Safiirka ahna safiir ku xigeenka iyo Xubno ka socday AWEPA oo soo qaba qaabisay Tababarkani.

Xildhibaan Biibi Khaliif Maxamed oo ah gudoomiyaha haweenka ku jira baarlamanka Soomaaliya ayaa waxay ugu horeyn ka warbixisay Muhimada Tababarkani uu u leeyahay Xildhibanada haweenka ah.

β€œWaxaa la xqiijiyay in aan heli karno %30,laakiin anaga shaki ayaa noogu jira maxaa yeelay mar walba xaqeena ayaa lagu tuntaa,marka waxaan rabnaa in aan helno xaqeena oo sharciyeysan oo dastuurka ku qoran ma aha in qoraal lagu soo saaro oo kaliya aan ku qaadano”Ayey tiri xildhibaan Biibi.

Ku simaha Safiirka ahna ku xigeenka safiirka Maxamed Amiin Sheekh Cismaan oo si rasmi ah u soo xiray tababarka ayaa waxa uu bogaadiyay dowrka haweenka ay ku leeyihiin siyaasada dalka.

β€œDumarka Soomaaliyeed waa ugu horeeyaan siyaasada dalka iyo ka qeyb qaadashadeeda ,waxayna muujineysaaa awooda ay gabadhuhu ku leedahay in ay matasho bulshadeeda,waxaana rajeynayaa inay sii korodho tiradiina marwalba oo ay aqoonta badato waxaa dhaceysa in doorkiina uu muuqdo maxa yeelay mujtamaca soomaaliyeed waligood dhibaato kama jirin qeybta haweenka ay ku laayeen dowladihii hore,waxaan rajeynayaa dadaalada socda maalmahan danbe inay miro dhal noqon doonaan waana mahadsantihiin” Ayuu yiri ku simaha safiirka.

Tababarkani ayaa waxa uu qeyb ka yahay tababarro dhowr ah oo looga hadlayay dowrka ay haweenka ee siyaasada soomaaliya iyo sare u qaadida aqoonta haweenka ku jira baarlamaanka Soomaaliya.

IMG_5007 IMG_5010 IMG_5011 IMG_5013 IMG_5024 IMG_5037 IMG_5045 IMG_5067 IMG_5069 IMG_5082 IMG_5084 IMG_5097 IMG_5115 IMG_5121 IMG_5138 IMG_5139

Sawir qaade:- Abdulkadir Ali Hussein Koronto

Previous Post

Dhageyso warka duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Shir dib loogu eegayo Dastuurka Oo Beydhabo Maanta Lagu Qabtay “Sawirro”

Next Post
Shir dib loogu eegayo Dastuurka Oo Beydhabo Maanta Lagu Qabtay “Sawirro”

Shir dib loogu eegayo Dastuurka Oo Beydhabo Maanta Lagu Qabtay "Sawirro"

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa maanta soo gebagabeysay tababar muddo 14 maalmood ah socday, kaas oo lagu baranayey diyaarinta iyo...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

Markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
0

Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™, oo burcad-badeeddu 17-kii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In