Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
5 months ago
in Wararka
0
Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, iyagoo ka qaybgalay kalfadhiga 7-aad kulankiisa shanaad. Kulanka waxaa shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, oo uu wehelinayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026

Ajendaha kulanka wuxuu ahaa akhrinta labaad ee xisaab-xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024. Warbixinta xisaab-xirka ayaa mudanayaasha uga soo bandhigay Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan).

Kulanka kadib, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ayaa cabbiray aragtiyadooda ku aaddan warbixinta xisaab-xirka, halka wasiirka Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige, oo goobta ku sugnaa, ay su’aalo iyo faahfaahin kala hureen.

Ugu dambayntii, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, oo kulanka soo xiray, ayaa faray guddiyada maaliyadda ee labada Aqal inay ku daraan doodaha iyo talooyinka Xildhibaanada, ayna soo diyaariyaan akhrinta saddexaad, si mar kale loogu soo celiyo golaha loona marsiiyo akhrinta kama dambaysta ah.

Previous Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Next Post

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

Next Post
Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In