Thursday, October 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare oo su’aalo weydiiyay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare oo su’aalo weydiiyay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waa fadhi warbixin looga dhagaysanayay su’aalana lagu weydiinayay Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, iyadoo shir guddoonka fadhiga uu ahaa Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

 

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ugu horayn warbixn guud oo ku aadan horumarka ay Wasaaradda samaysay, xiriirka caalamka iyo safaaradaha Soomaaliya qaabka ay u shaqeeyaan, wuxuuna dhinaca kale ka codsaday Golaha Aqalka Sare in ay jiraan howlo ay Wasaaradda uga baahan tahay inay gacan ka siiyaan.

Senatarada qaar ayaa su’aalo ku saabsan weerarkii shirkadda Hormuud ee xuduudda Kenya, arrimaha Somaliland, Wadahadaladdii Jabuuti iyo Eretria, go’aankii dowladda ee arinta Turkiga iyo Sacuudiga weydiiyay  Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya, si uu faah faahin uga siiyo arrimahaasi.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa mudanayaasha su’aalahooda si kooban uga jawaabay, isagoo sheegay in arrimaha shirkadda hormuud ay dowladdu gashay, maadaama ay Kenya dhankooda ka cabanayaan weerarada dhanka Soomaaliya uga yimaada, sidoo kale waxa uu xusay in Jabuuti iyo Eretria ay u bilaabeen wada hadal oo ay garwadeen ka tahay dowladda Soomaaliya,

Ugu dambayn fadhiga waxaa soo xiray Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Previous Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday Xeer Hoosaadka Golaha

Next Post

Bulshada Gobolka Galgaduud oo codsaday in dib loo soo celiyo adeegyadii bulshada “SAWIRRO”

Next Post
Bulshada Gobolka Galgaduud oo codsaday in dib loo soo celiyo adeegyadii bulshada “SAWIRRO”

Bulshada Gobolka Galgaduud oo codsaday in dib loo soo celiyo adeegyadii bulshada "SAWIRRO"

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In