Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Akhrinta 1aad Marsiiyay Labo Hindise Sharciyeed Oo Muhiim U Ah Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Golaha shacabka oo ka doodaya Hindise sharciyeedyo muhiim ah+SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim “Muudey” oo shir guddoomiyay kulanka guud ee golaha Shacabka ayaa waxa ay ugu horeyn Akhrinta 1-aad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaana Golaha u faah faahiyay Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow ‘’Ducaale’’ oo sheegay in sharcigan uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanbada Golaha Shacabka ayaa su’aalo la xiriira Hindise sharciyeedkan weydiiyay Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo kulanka, waxaana mas’uuliyiintan ay Xildhibaannadda uga jawaabeen su’aalihii ay weydiiyeen.

Related posts

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

March 4, 2026
Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026

Sidoo kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta 1-aad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Difaaca Qaranka, waxaana golaha u faafaahiyay Wasiirka Difaaca Mudane Xasan Cali Maxamed Amardambe oo ka hadlay ahmiyadda uu sharcigan u leeyahay dalka.

Sidoo kale Xidhibaannada qaarkooda oo Hindise sharciyeedkan su’aalo ka qabay ayaa Wasiirka weydiiyay, iyadoo uu Wasiirka Difaaca ee dalka uu uga jawaabay su’aalihii la weydiiyay..

Labadan Hindise sharciyeedka ah ee ay mudanayaasha Golaha Shacabka ay Akhrinta koowaad marsiiyeen ayaa waxaa si toos ah loogu wareejiyay Guddiyada Arrimaha gudaha iyo Amniga iyo sidoo kale Difaaca si ay waajibkooda uga soo gutaan ka dibna ay dib golaha ugu soo celiyaan si Akhrinta labaad loo marsiiyo, loogana doodo, waxaana kulanka soo xiray Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoominayay.

 

Previous Post

Wasiirka warfaafinta XFS oo furay tababbar ku saabsan dalxiiska+Sawirro

Next Post

Horjoogihii Al-Shabaab U Qaabilsanaa Deegaanka Mubaarak Oo Gacanta Lagu Soo Dhigay “SAWIRRO”

Next Post
Horjoogihii Al-Shabaab U Qaabilsanaa Deegaanka Mubaarak Oo Gacanta Lagu Soo Dhigay “SAWIRRO”

Horjoogihii Al-Shabaab U Qaabilsanaa Deegaanka Mubaarak Oo Gacanta Lagu Soo Dhigay "SAWIRRO"

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

March 4, 2026
0

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir...

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa maanta gaaray Degmada...

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

March 3, 2026
0

Abshir Cukaash Cabdi oo Ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa lagu eedeeyay In uu si kas ah u dilay Daahir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In