Friday, May 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday sharciyo muhiim u ah dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday sharciyo muhiim u ah dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madobe ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 21-aad oo ajandihiisu ahaa dhaarinta Xildhibaan Xasan Hurre Ugaas, akhrinta koowaad ee Hindisa Sharciyeedka Dhowrista Xogta, akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka iyo akhrinta koowaad ee Sharciga la dagaallanka Argagaxisada. Sidoo kale qeybinta warbixinta akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha iyo Hindisa Sharciyeedka Socdaalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS ayaa ka doodaday Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta oo ay soo gudbisay Xukuumadda. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa sheegay in muhiim ay tahay ilaalinta iyo keydinta xogta qaranka loona baahan yahay in qorshe cad loo yeelo keydinta xogta muwaadinka iyo tan dowladda.

Related posts

Kulan looga hortagayo faafidda cudurka Ebola oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan looga hortagayo faafidda cudurka Ebola oo lagu qabtay Muqdisho

May 22, 2026
Hay’adda SoDMA iyo Bisha Cas ee dowladda Qatar oo daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H

Hay’adda SoDMA iyo Bisha Cas ee dowladda Qatar oo daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H

May 22, 2026

Wasiirka Wasaaradda Deeganka iyo Isbedelka Cimilada XFS Marwo Khadiija Maxamed Al Makhdzoumi ayaa xildhibaannada Golaha Shacabka  hortiisa ka aqrisay Hindisa Sharciyeedka Maareynta Deegaanka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Degaanka, iyadoo sheegtay in sharcigan uu ahmiyad gaar ah uu siinayo maareeynta horumarinta iyo ilaalinta deegaanka ku teedsan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xil. Maxamed Cali Xagaa ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka u akhriyay Cutubyo ka kooban  Sharciga la dagaallanka Argagaxisada, kaas oo uu Wasiirku sheegay hadii la meelmariyo uu noqon doono sharci soo afjaraayo xukunka argagixisada iyo waxkasta oo ku lug leh falalka argagaxisinimo, waxaana xildhibaannadda qaar ay soo jeediyeen in lagu saleeyo Diinta Islaamka magaca sharcigana laga dhigo (Sharciga Argagixisada iyo La Dagaallanka Fikirka Xagjirka).

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray kulanka maanta ayaa sheegay in dooda dib loo dhigo si laisku soo laabto kulamada kale laguna dhameystiro dooda Sharciga La Dagaallanka Argagaxisada iyo sharuucda kale ee Golaha la horkeenay.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xariga ka jaray dhismaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

Next Post

Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir oo si rasmi ah loo furay

Next Post
Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir oo si rasmi ah loo furay

Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir oo si rasmi ah loo furay

Kulan looga hortagayo faafidda cudurka Ebola oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan looga hortagayo faafidda cudurka Ebola oo lagu qabtay Muqdisho

May 22, 2026
0

Ku simaha Wasiirka ahna Wasir dowlaha wasaaradda caafimaadka XFS, Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa shir gudoomisay kulan kadhacay Xarunta Hawlgallada...

Hay’adda SoDMA iyo Bisha Cas ee dowladda Qatar oo daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H

Hay’adda SoDMA iyo Bisha Cas ee dowladda Qatar oo daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H

May 22, 2026
0

Kaaliyaha Arrimaha Carabta Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen iyo Safiir Ku-xigeenka Dowladda Qatar Raashid...

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

May 22, 2026
0

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha Afrika ayaa billowday inay natiijooyin muuqda dhaliso. Arrintan waxaa shaaciyay Liu...

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

May 21, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In