Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo meelmariyay Hindise Sharciyeedka Biyaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kalfadiga 2-aad kulankiisa 28-aad ee mudanayaasha Golaha Shacabka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa ugu horeyn warbixin looga dhageystay guddigii loo xil saaray in ay kasoo baaraan degaan qaraarkii Xukuumadda ee lixdii September, waxaana Xildhibaana Cabdirisaaq Cumar Maxamed uu sheegay in ka guddi ahaan ay meel gaba gabo ah u mareyso warbixintaasi.

Intaasi kadib Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoominayay ayaa Xildhibaanada Golaha u jeediyay in ay cod geliyaan Hindise Sharciyeedka biyaha oo ay Xildhibaanada horey uga doodeen waxaana ogolaatay 147, mudane, iyadoo saddex Mudane ay diideen sida uu natiijada ku dhawaaqay Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo sidoo kale ka codsaday gudiga kheyraadka dabiiciga ah ee golaha in uu ku lifaaqo warbixintiisa oo uu u gudbiyo Golaha Aqalka Sare si ay uga gutaan waajibkooda.

Related posts

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalim Caliyow Ibrow ayaa u mahad celiyay guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka, gaar ahaan Guddiga Kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Shacabka dadaalkii ay geliyeen sharcigan.

Intaasi kaddib waxaa la guda galay warbixinta guddiga Maaliyadda ee golaha shacabka ee ku aadan xisaab xirka 2015-ka iyo 2016-ka, waxaana guddiga uu gaba gabada warbixntiisa kaddib uu ku taliyay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin in la fuliyo arrimaha uu Baarlamaanku go’aanada kasoo saaray ee ku lifaaqnaa ansixinta miisaaniyadda, gaar ahaan qarashaadaka ku saabsan nidaamka miisaaniyadda iyo bixinta xuquuqda shaqaalaha iyo qaansheegatooyinka baaqiga ku ah Xukuumadda, iyadoo loo sameynayo qorshe cad oo waqtiyeysan meel marintooda, in mar kuuyimaado koror amaba is dhin miisaaniyadeed la sameeyo miisaaniyad ku celin xili munaasib ah sida uu qabo sharcigu iyo in Wasaaradda Maaliyadda ay qabsato shaqadeeda dakhli uruurin oo aysan cid kale u xilsaarin taasi oo sababtay hoos u dhac weyn oo dhinaca dakhliga ah.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay warbixinta guddiga Maaliyadda ee ku aadan xisaab xirka 2015 iyo 2016-ka waxaana ugu dambeyn kulanka soo xiray Gudoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo xoogga saareysa hirgelinta Golaha Deegaanka

Next Post

Somali Government statement towards the UN Monitoring Group

Next Post
Somali Government statement towards the UN Monitoring Group

Somali Government statement towards the UN Monitoring Group

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  labaad ee tartanka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay shacabka soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Xildhibaanada Labada Aqal...

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Siyaaasi Axmed Saafi oo ka mid ah siyaasiyiinta ayaa soo dhaweeyay meel mrinta Dastuurka Qaranka ee ay Mudanyaasha labada Aqal...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In