Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya, guddoomiyaha Degmada Kaaran iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu furayey shaqa abuur ay xarunta dhiira gelinta Haweenka oo garab ka helaya Maamulka Degmada Kaaran u sameysay ku dhawaad 50 dhalinyarro oo labarayo farsamada gacanta.
Guddoomiyaha Xarunta Dhiira gelinta Haweenka Drs Fartuun Axmed Cumar iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Kaaran Suldaano Axmed Maxamed ayaa ka hadlay ahmiyada ay lee dahay in la dhiira galiyo haweenka.
“Sidan wada og nahay haweenka waa laf dhabarka bulshada waxeyna horseed u yihiin dhaq dhaqaaq walbo oo ay bulshada ku horumarto sidaas ay tahay ma helaan dhiira gulin iyo farsado shaqo”
Guddoomiyaha Degmada Kaaran Cumar Meyre Macow ayaa dhankiisa sheegay in dhallinyarada iyo haweenka ay u baahanyihiin dhiira gelin iyo in loo abuuro fursado shaqo.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay in haweenka kunool degmada Kaaran la dhabaro xirfado ay ku shaqeystaan si ay u helaan fursado shaqo oo xirfadooda la xariira, waxaana loo baahan yahay in la sii dhiira geliyo taalabo kaste oo lagu horumarinayo wax soo saarka xirfada”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada.
Xildhibaan Yuusuf Ibraahim Afrax iyo Xildhibaan Dahabo Suusow Maxamuud oo munaasabada ka hadlay ayaa waxa ay maamulka Dagmada Kaaran iyo Xarunta Dhiira gelinta Haweenka ku amaaneen dhiira gelinta ay u sameynayan dhallinyarada degmadaasi ku nool, waxaana ay dhallinyarada heshay fursadan ugu baaqeen inay bulshada ugu adeegaan waxyaabaha ay bartaan.