Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaanno loo dhaariyay inay kamid noqdaan Baarlamaanka Puntland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Xildhibaanno loo dhaariyay inay kamid noqdaan Baarlamaanka Puntland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa la dhaariyay 8 Xildhibaan oo ka mid noqonaya Baarlamaanka shanaad ee Puntland, kuwaasi oo badali doono 8dii Mudane ee ay dhawaan xasaanadda Xildhibaanimo ka qaadeen Baarlamaanka.

Related posts

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025

Xubno ka socday Maxkamadda sare ee Puntland ayaa gudaha Aqalka Baarlamaanka ku dhaariyay 8dan mudane ee ka mid noqonaya Baarlamaanka Puntland, kuwaasi oo ay guddoonka Baarlamaanka u soo gudbiyeen beelihii ay u matalayeen Xildhibaanadii hore ee xasaanadda lagala noqday .

Xoghayaha guud Baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Xidig Warsame ayaa fadhiga Mudanayaasha u soo gudbiyay habraaca meel marinta iyo codsiga ka mid noqoshada Baarlamaanka ee xubnahaani.

Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland ayaa mid mid u dhagaystay taariikh nololeedka Mudanayaashan cusub, iyagoo soo jeediyay khudbado taabanayay waxbarashadoodii, Waxqabadyadoodii kala duwanaa iyo codsiyadooda ka mid noqoshada Baarlamaanka Puntland.

Akhriso magacyada Xildhibaannada cusub ayaa kala ah;

  1. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Yuusuf ( Afgaduud)
  2. Xildhibaan Maxamed Cabdi Faarax
  3. Xildhibaan Maryan Cismaan Axmed Fangase
  4. Xildhibaan Faarax Sulub Jaamac
  5. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Saalax ( Abuu baraa)
  6. Xildhibaan Cabdicasiis Xuseen Maxamuud ( Garagoos)
  7. Xildhibaan Cabdiqani Nuur Faarax Muuse
  8. Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Gurey Mirood
Previous Post

Gawaari u rarneyd ganacsato oo si nabadgelyo ah ku gaaray Xuddur

Next Post

Wasiirka Qorsheynta oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Qorsheynta oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya “SAWIRRO”

Wasiirka Qorsheynta oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya “SAWIRRO”

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
0

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025
0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayey kuwa Sirdoonka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheeysan oo lagu naafeynayey khawaariijta ka...

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

December 23, 2025
0

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanno iyo degmooyin...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

December 23, 2025
0

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah hub ugu dhex wateen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In