Xilibaanada Soojeedinta Caawa Gudbiyay oo Tiradoodu Gaaray 125 mudane ayaa Ciwaan uga Dhigay “Soo Jeedin Laalis Mooshinka iyo Eedeymaha Aan Sharciga waafaqsaneyn ee ka soo Horjeeda M.weynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Xilibaan C.laahi Abshiroow oo goordhaw Radio Muqdisho Soo gaarsiiyay nuqul kamid ah Soojeedintaasi ay u gudbiyeen Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in ay diidanyihiin mooshinka laga keenay m.weyne Xasan Sh Maxamuud,isagoo sheegay in mooshinka m.weynaha laga keenay uusan heysan sharciyad uu ku sii socdo.
Xilibaan C.laahi ayaa sheegay in mooshinkaasi uu Abuurayo Xasilooni darri siyaasadeed, isla markaana laga been abuurtay xilibaano badan oo aan ku jirin mooshinkaasi , Dustuur ahaanna aysan jirin tallaabooyinkii sharci ahaan ay u baahneeyd Eedeymaha loo soo jeediyo M.weynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya sida maxkamaddii Dastuuriga aheyd ee sharci ahaan Qiimeyn laheyd Asal ahaanta Eedeymahaasi.
Mudane Abshiroow ayaa hadalkiisa intaa ku daray in maadaama baarlamaanku uu galayo Kalfadhigii Todobaad ayna horyaallaan Shuruuc muhiim u ah xiliga kala guurka uuna mooshinkaasi carqaladeynayo habsami u socodka howlaha baarlamanka iyo geeddi socodka 2016.