Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaano kulamo wada tashi kula leh qeybaha bulshada Xudur

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Xildhibaano kulamo wada tashi kula leh qeybaha bulshada Xudur
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanadan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo sugan magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegeen in u jeedada ay halkaa u tageen ay tahay u kuurgelinta xaaladaha gobolka iyo sidii wada tashi ula yeelan lahaayeen mas’uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan eek u dhaqan gobolka Bakool.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo ka tirsan mudaniyasha Baarlamaanka oo gaaray gobolka oo la hyadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay la kulmi doonaan mas’uuliyiinta maamulka gobolka, saraakiisha,odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada iyo ay ugu xog-wareystaan xaaladaha guud ee gobolka sida amniga iyo xaalada bani’aadminimada.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Xildhibaan Afaraale ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha ciidanka xooga dalka iyo kuwa AMISOM  ay kala hadli doonaan sidii la isugu furi lahaa wadooyinka isku xira gobolada Baay iyo Bakool,waxaana uu sidoo kale tilmaamay in dadka gobolka Bakool wada dega aan u baahneyn in dhibaato laga dhex abuuro.

Safarka xildhibaanadan ay ku tageen gobolka Bakool ayaa imaanaya iyadoo ciidanka xooga dalka Soomaaliya iyo kuwo AMISOM ay isku dayayaan in ay furan wadooyinka ay go’doomiyeen maleeshiyaadka alshabaab.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweyne Guuleed oo La Kulmay Hogaamiyaha Aqlabiyada Barlamaanka Kenya-Sawirro

Next Post
Madaxweyne Guuleed oo La Kulmay Hogaamiyaha Aqlabiyada Barlamaanka Kenya-Sawirro

Madaxweyne Guuleed oo La Kulmay Hogaamiyaha Aqlabiyada Barlamaanka Kenya-Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In