Tuesday, July 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xoghayaha  Guddiga Olombikada Soomaliyeed   oo ka qeyb galay Shirwayaha  Anoca+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 27, 2015
in Wararka
0
Xoghayaha  Guddiga Olombikada Soomaliyeed   oo ka qeyb galay Shirwayaha  Anoca+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Waxaa   magaalada Port Louis ee  dalka Mauritius lagu soo gebagabeeyay shirweynihii 16-aad ee ANOCA,  Association of National Olympic Committees of Africa, waxaana ka soo qayb galay  dhammaan wadamada xubnaha ka ah , iyo guddoomiyaha  IOC Dr. Thomas Bach, waxaana Soomaaliya uga qayb galay Xogahayaha  Guddiga olombikada Soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax.

Related posts

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

July 7, 2025
Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

July 7, 2025

Shirkaan oo labadii sanaba mar la qabto  ayaa  magaalada Port Louis  ee  dalka Mauritius ka socday 24-25 bishan November waxaana  aad loogu lafa guray waxyaabihii lasoo qabtay labadii sano ee lasoo dhaafay iyo qorshaha soo socda oo ay ugu horeyso ciyaraha Olombiakda aduunka

Waxaa ugu horreyn shirka ka hadlay guddoomiyaha ANOCA  Gen. Lassana Plenfo oo ka warbixyay Horumarka ay ANOCA ku talaabsatay labadii sano ee lasoo dhafay,  sidoo kale waxaa warbxino laga dhagaystay  xoghayaha Thomas Sithole iyo khasnajiga Habu Gumel, dhanka  kale guddoomiyaha  Ioc   Dr. Thomas Bach ayaa shirka  ka  jeediyey warbixin dheer oo ku aadan qorshaha  IOC  2020 iyo sida looga baahan yahay guddiyada Olombikada  Qaaradda afrika iney u dabaqaan qorshahaas.

Waxaa kaloo warbixinno soo jeediyey ururuka ciyartoyda  Afrika , ANOCA athletes commission ,ururuka haweenka iyo isboortiga , kooxda Olympic Solidarity oo uu horkacaayo madaxooda Pere Mirom iyo kooxda  Rio 2016  oo ka warbixiyay halka ay mareyso diyaargrowga marti gelinta tartanka olombikada  aduunka.

Geesta kale Xoghhayaha Gos   Duraan Axmed Faarax ayaa inta uu shirka socday kulamo la qaatay Madaxda IOC iyo Madaxada ANOCA  waxuuna kala hadlay sidii loo horumarin lahaa isboortiga Afrika gaar ahaan Soomaliya  oo kujirta xaalad u baahan in mudnan gaar ah la siiyo  waxuuna kulankooda kusoo dhamaaday guul.

12283221_10208051094304125_2099504162_n 12287343_10208051093904115_1668483666_o 12295631_10208051093664109_679024848_o 12298145_10208051094064119_471475247_o 12311804_10208051093504105_1531509042_o

Previous Post

Golaha wasiirrada oo maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa “Dhageyso”

Next Post

Ra’isul Wasaaraha Dalka Oo Goor Dhow Gaaray Cadaado

Next Post
R/wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey dilkii loo gaystay Saciid oo kamid ahaa Shaqaalaha xafiiska RW

Ra'isul Wasaaraha Dalka Oo Goor Dhow Gaaray Cadaado

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

July 7, 2025
0

Shirweynaha Spain–Africa 2025 ayaa ka furmay magaalada Madrid, iyadoo uu si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee...

Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

July 7, 2025
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo xirtay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran...

National Consultation meeting on Social Media Policy for Managing the Risks and Misuse of Social Media Platforms Concludes in Mogadishu

National Consultation meeting on Social Media Policy for Managing the Risks and Misuse of Social Media Platforms Concludes in Mogadishu

July 7, 2025
0

The Ministry of Information, Culture and Tourism of the Federal Government of Somalia has officially concluded the two-day National Consultative...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada hadalo  mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada hadalo mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Masar

July 7, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay qasriga Al-calamayn, dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabeed ee Masar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In