Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa xarunta Aqalka Sare kulan kula qaatay Xoghayeyaasha Baarlamaannada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
kulankan oo muhiimadiisu ahayd kala warqaadasho, iskaashi iyo xoojinta xiriirka Baarlamaannada Dowlad Gobaleedyada iyo Aqalka Sare ayaa sidoo kale lagu lafa-guray gacan siinta Baarlamaannada iyo kaalinta Aqalka Sare uu ka gaysan karo fududaynta howlaha shaqo ee Baarlamaannada Dowlad Goboleedyada.