Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka oo ka qeybgalay kulanka dhiggiisa Baarlamaannada Adduunka

Idman Yahye by Idman Yahye
2 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHSHO:Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) oo safar shaqo ku jooga wadanka Uzbekistan ayaa ka qeyb galay kulanka 150-aad ee xoghayaasha Baarlamaannada Aduunka oo ka dhacay Magaaladda Tashkent ee caasimadda wadankaasi.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa ka qeyb galayaasha kulanka la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha Baarlamaanka Soomaaliya, shuruucda uu ka shaqeeyay iyo sidoo kale horumarka uu sameeyay

Related posts

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026

Sidoo kale xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) ayaa ka qeyb galay kulanka guddiga fulinta ee xoghayaasha baarlamaanadda carabta kaas oo horudhac u ahaa kulanka golaha guud ee Baarlamaannada aduunka oo ka dhici doona wadanka Aljeeriya, waxaana guddiga inta kulanka uu socday meelmariyay Ajendaha kulanka guud.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa qeyb ka ah wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo casumaad rasmi ah u fidiyay dhiggiisa dalka Uganda

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse “ Booqashada Laascaanood waa mid qorsheysan oo lagu xoojinayo xiriirka XFS iyo SSC Khaatumo”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse “ Booqashada Laascaanood waa mid qorsheysan oo lagu xoojinayo xiriirka XFS iyo SSC Khaatumo”

Ra’iisul Wasaare Xamse “ Booqashada Laascaanood waa mid qorsheysan oo lagu xoojinayo xiriirka XFS iyo SSC Khaatumo”

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In