Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle (Jaabiri) oo uu wehliyo Xoghayaha guud ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibrahim Guuleed, ayaa kormeeray hoolka fadhiga Golaha, kaas oo 29-ka loo madlan yahay furitaanka kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka JFS.
Xoghayeyaasha ayaa kormeeray shaqada ka socoto hoolka iyo sida loogu diyaar garoobayo furitaanka kalfadhiga 3aad ee BJFS, waxayna boggaadiyeen dayactirka Hoolka weyn ee fadhiga Golaha in lagu sameeyay isbedel muuqda.