Xoogaga hubaysan ee ciidamada Dawladda Liibiya isla markaana ka amar qaata Madaxweynaha caalamku aqoonsan yahay ee Al-wefaaq Wadani ayaa si rasmi ah u sheegay in magaalooyin waaweyn oo muhiim ahaa ay kala wareegeen gacanta ciidamada mucaaradka ah ee taabacsan General Khaliifa Xaftar.
Wasiirka Arrimaha gudaha Liibiya Fathi Pashaga oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in ciidamada Dawladdu ay la wareegeen magaalooyin badan oo dalkaasi kamid ah, isla markaana ay hore usii wadi doonaan dagaalka xoraynta ah ee ay ku jiraan.
“Waan ka xoog badanahay sidii hore, xoogaga mucaaradka ahna waanu kala wareegnay goobo badan oo muhiim ahaa, kooxaha ka amar qaata General Khalifa Hifter si kasta oo ay isugu dayaan inay sii wadaan khl-khalgelinta waddanka waanu soo afjari doonaa” ayuu yiri Wasiirku.
Wasiirka ayaa hadalkan sheegay xilli uu salaan sharaf ka qaadanayay ciidammada Liibiya wuxuuna siyaabo kala duwan uga hadlay xaaladaha dalkaasi Liibiya, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in colaadaha dalkaasi ay dhamaan doonaan.
Muddo sanado tiro badan ah ayaa dalka Liibiya waxaa ka socda iska horimaadyo hubeysan, iyadoo xoogaga ka aamar qaata General Haftar ay dhankooda halgan ugu jiraan sidii ay ula wareegi lahaayeen awooda dalka saliida qaniga ku ah ee Liibiya.