Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xubnaha Wasiirada ee maantay tagay Kismaayo oo kulamo la yeeshay mas’uuliyiinta Jubaland

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha gudaha oo Kismaayo si weyn loogu soo dhaweeyay “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), Wasiirka Tamarta iyo Badroolka Mudane Maxamed Mukhtaar iyo Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane C/raxmaan Dheere markii ay gaareen magaalada Kismaayo waxaa ay tageen xarunta uu ka socdo shirka xulista Baarlamaanka maamulka Jubaland.

Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka oo la hadlay eregada madasha joogtay ayaa sheegay in maamulka Jubaland wax qaban muuqda ka sameeyeen gobolada Juabooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo oo ay kamid tahay soo celinta nabadda iyo dib u dhiska.

Related posts

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026

Wasiirka Arrmaha gudaha ayaa intaa ku daray in uu ku faraxsan yahay shaqada iyo howlaha ay wadaan maamulka Jubaland oo ku aadan dhameystirka maamulka isagoo tilmaamay in dowladda dhexe ay gacan ka geysan doono howlaha maamulka Jubaland uu sameynaayo.

Sidoo kale waxaa kulanka hadal ka jeediyay Madaxweynaha maamulka Jubaland Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) waxaana uu tilmaamay in Jubaland ay tahay meel Soomaali oo dhan u siman tahay isla markaana lagu soo dhaweynaayo.

Xubnaha Wefdiga oo uu hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen ee xukuumadda Soomaaliya waxaa ay kulamo la yeesheen mas’uuliyiinta sare ee maamulka Jubaland ayagoo kala hadlay arimo ay kamid yihiin Amniga, dib u heshiisiinta iyo dhameystirka maamulka Jubaland.

Kulamadaasi markii ay soo idlaadeen ayaa waxaa si wadajir ah shirjaraa’id u qabtay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka iyo Madaxweynaha maamulka Jubaland.

Madaxweynaha maamulka Jubaland Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in wefdiga dowladda dhexe ka socda imaanshahooda Kismaayo ay la xiriirtay in ay la socdaan arrimaha ku saabsan dhameystirka maamulka oo ah xulista Baarlamaanka Jubaland isla markaana ay soo dhaweynayaan dadaalada dowladda dhexe ay kaga gacan siinayso maamulka.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka C/raxamaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay in u jeedada ay u tageen magaalada Kismaayo ku saabsan tahay arimo dhowr ah oo ay kamid tahay ka qeyb qaadashada xulista Baarlamaanka maamulka Jubaland.

“Runtii waxaa warbixin dhameystiran nalaga siiyay sidii loo xuley odayaashii iyo dhaqankii waana la dhacnay, maamulka waxaa uu noo sheegay in la sameeyay gudiga farsamo iyo gudigan xalinta khilaafaadka, wasaaradda kooxdii halkan ka joogtay waan kordhinay, runtii kalsooni badan ayaa halkan ka jirta oo maamulku ka shaqeeyay mudadii uu jirey” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha.

Wefdigan maanta tagay magaalada Kismaayo oo uu horkacayay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ayna kamid ahaayeen Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa qeyb ka ah qorshiyaasha dowladda Soomaaliya ku doonayso in ay salka ugu dhigto nidaamka Federaalka guud ahaan dalka oo dhan.

Previous Post

Wasiirka Howlaha Guud oo ka hadlay ahmiyadda dhismiyaasha tayada leh

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho 23 03 2015

Next Post
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho 23 03 2015

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In