Monday, December 4, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xubnaha Wasiirada ee maantay tagay Kismaayo oo kulamo la yeeshay mas’uuliyiinta Jubaland

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 23, 2015
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha gudaha oo Kismaayo si weyn loogu soo dhaweeyay “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), Wasiirka Tamarta iyo Badroolka Mudane Maxamed Mukhtaar iyo Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane C/raxmaan Dheere markii ay gaareen magaalada Kismaayo waxaa ay tageen xarunta uu ka socdo shirka xulista Baarlamaanka maamulka Jubaland.

Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka oo la hadlay eregada madasha joogtay ayaa sheegay in maamulka Jubaland wax qaban muuqda ka sameeyeen gobolada Juabooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo oo ay kamid tahay soo celinta nabadda iyo dib u dhiska.

Related posts

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo kulan la qaatay Ganacsatada dhoofisa Kalluunka “SAWIRRO”

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo kulan la qaatay Ganacsatada dhoofisa Kalluunka “SAWIRRO”

December 3, 2023
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray Boqortooyada Sucuudiga

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray Boqortooyada Sucuudiga

December 3, 2023

Wasiirka Arrmaha gudaha ayaa intaa ku daray in uu ku faraxsan yahay shaqada iyo howlaha ay wadaan maamulka Jubaland oo ku aadan dhameystirka maamulka isagoo tilmaamay in dowladda dhexe ay gacan ka geysan doono howlaha maamulka Jubaland uu sameynaayo.

Sidoo kale waxaa kulanka hadal ka jeediyay Madaxweynaha maamulka Jubaland Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) waxaana uu tilmaamay in Jubaland ay tahay meel Soomaali oo dhan u siman tahay isla markaana lagu soo dhaweynaayo.

Xubnaha Wefdiga oo uu hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen ee xukuumadda Soomaaliya waxaa ay kulamo la yeesheen mas’uuliyiinta sare ee maamulka Jubaland ayagoo kala hadlay arimo ay kamid yihiin Amniga, dib u heshiisiinta iyo dhameystirka maamulka Jubaland.

Kulamadaasi markii ay soo idlaadeen ayaa waxaa si wadajir ah shirjaraa’id u qabtay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka iyo Madaxweynaha maamulka Jubaland.

Madaxweynaha maamulka Jubaland Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in wefdiga dowladda dhexe ka socda imaanshahooda Kismaayo ay la xiriirtay in ay la socdaan arrimaha ku saabsan dhameystirka maamulka oo ah xulista Baarlamaanka Jubaland isla markaana ay soo dhaweynayaan dadaalada dowladda dhexe ay kaga gacan siinayso maamulka.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka C/raxamaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay in u jeedada ay u tageen magaalada Kismaayo ku saabsan tahay arimo dhowr ah oo ay kamid tahay ka qeyb qaadashada xulista Baarlamaanka maamulka Jubaland.

“Runtii waxaa warbixin dhameystiran nalaga siiyay sidii loo xuley odayaashii iyo dhaqankii waana la dhacnay, maamulka waxaa uu noo sheegay in la sameeyay gudiga farsamo iyo gudigan xalinta khilaafaadka, wasaaradda kooxdii halkan ka joogtay waan kordhinay, runtii kalsooni badan ayaa halkan ka jirta oo maamulku ka shaqeeyay mudadii uu jirey” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha.

Wefdigan maanta tagay magaalada Kismaayo oo uu horkacayay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ayna kamid ahaayeen Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa qeyb ka ah qorshiyaasha dowladda Soomaaliya ku doonayso in ay salka ugu dhigto nidaamka Federaalka guud ahaan dalka oo dhan.

Previous Post

Wasiirka Howlaha Guud oo ka hadlay ahmiyadda dhismiyaasha tayada leh

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho 23 03 2015

Next Post
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho 23 03 2015

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo kulan la qaatay Ganacsatada dhoofisa Kalluunka “SAWIRRO”

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo kulan la qaatay Ganacsatada dhoofisa Kalluunka “SAWIRRO”

December 3, 2023
0

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan mihiim ah la yeeshay...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray Boqortooyada Sucuudiga

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray Boqortooyada Sucuudiga

December 3, 2023
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macalim Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka COP28 ee isbeddelka cimilada Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka COP28 ee isbeddelka cimilada Adduunka

December 3, 2023
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa ka qeybgalaya shirka Cop28...

Guddiga Madaxa banaan ee hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga la socodka Dastuurka BJFS oo kulan yeeshay

Guddiga Madaxa banaan ee hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga la socodka Dastuurka BJFS oo kulan yeeshay

December 3, 2023
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegsita iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Guddiga la socodka iyo hirgelinta Dastuurka ee BJFS ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In