Ciidamada military Ciraaq ayaa sare u qaaday howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada Daacish ee kusugan dalkaasi, iyagoo ka qabsaday deegaano dhowr ah.
Ciidamada ayaa haatan isku gedaamey magaalada lagu magacaabo Tal Afar oo kamid ahayad gobaha ay ku dhuumaalaysanayeen maleeshiyaadkaasiu Daacish.
Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib amar ka soo baxay ra’iisul wasaaraha dalkaasi Ciraaq Haider al-Abadi oo ku dhawaaqey duulaan ka dhan ah maleeshiyada ISIS, isagoo sheegay inay doonayaan in ay la wareegaan gacan ku heynta magaalada Tal Afar oo ah magaaladii ugu dambeesay ee ay ku xooganyihiin kooxda ISIS.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay telefishenka qaranka dalkaasi , waxaana uu intaa ku daray in kooxda Daacish ay u furantahay laba wado oo kala ah, inay isa soo dhiibaan ama in la dilo.
Dhaq dhaqaaq military oo xoogan ayaa halkaasi ka soconaya waxaana haatan magaalada Tal Afar ku hareereysan militariga Ciraaq iyo maleeshiyaadka kale ee taageera howlgalkaasi ee loo yaqaano Peshmerga-ka. .
Wararka ayaa sheegay in sidoo kale magaalada ay dul hehaabayaan diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo kuwa ciidamada Ciraaq, kuwaasi oo duqeynaya magaalada kahor dullaanka uu ku dhawaaqay ra`iisul wasaaraha dalkaasi.
Waxay Magaalada Tal Afar sideetan kilomitir u jirta magaalada Mousil oo dhawaan laga qabsaday kooxda argagixisada ee Daacish.