Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumadda FS oo xoogeeda isugu geysay in cadowga laga sifeeyo dalka lana dhiiri-geliyo kacdoonka shacabka

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda FS oo xoogeeda isugu geysay in cadowga laga sifeeyo dalka lana dhiiri-geliyo kacdoonka shacabka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda amniga dalka, gaar ahaan howlgalada iyo duulaanka ka dhanka maleeshiyada Al-shabaab ee ka socda gobolada Galgaduud iyo Hiiraan.

Wuxuu sheegay in xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ay xoogeeda isugu geysay in cadowga laga sifeeyo guud ahaan dalka, lana dhiiri-geliyo kacdoonka shacabka soomaaliyeed ee lagula dagaalamaya argagixisada Al-shabaab.

“Kacdoonka iyo jiheynta ay bilowday xukuumadda ayay ku timid in ay shacabka aqbalaan oo ay iska dhiciyaan argagixisada baneysatay dhiigooda,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Sidoo kale, Wasiiru dowlaha ayaa tilmaamay in awooddii Al-shabaab ay wiiqantay, islamarkaana ciidamada iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ku daba jiraan haraadiga maleeshiyada iyo horjoogayaashooda oo ka firxaday furimaha hore ee dagaalka, deegaano badana laga saaray.

Howlgaladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay gobolada Hiiraada iyo Galgaduud ayaa guulo wax ku ool ah laga gaaray, iyadoo deegaano kale oo dalka ka tirsan ay ka socdaan abaabul iyo isku tashi ciidanka iyo dadweynaha ay sameeyaan, kuwaas oo lagu doonayo in lagu soo afjaryo kooxaha argagixisada.

Previous Post

Tahriibayaal Afrikan ah oo ku waxyelloobay xeebaha Giriiga

Next Post

Maraykanka oo Kuuriyada Waqooyi ugu digay in ay tijaabiso Gantaaladeeda Nukliyeerka

Next Post
Maraykanka oo Kuuriyada Waqooyi ugu digay in ay tijaabiso Gantaaladeeda Nukliyeerka

Maraykanka oo Kuuriyada Waqooyi ugu digay in ay tijaabiso Gantaaladeeda Nukliyeerka

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In