Xukuumadda Hindiya ayaa maanta oo Arbaca ah ku dhawaaqay in dalkaas laga mamnuucay ย dhaqdhaqaaqa People’s Front of India (PFI) iyo Ururrada Islaamiga ah ee xiriirka la leh.
Arintaan ayaa timid kadib markii Xukuumadda horraantii bishan ay xabsiga u taxaabtay xubno ka tirsan Ururada Islaamiga ah ee ka dhisan Hindiya, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahayeen rabshado iyo falal Amni darro oo ka dhacay gobalada dalkaas.
Ururka PFI ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, waxuna sidoo kale cambaareeyay xarigga loo geeystay qaar ka mid ah xubnaha Ururka.
War ay maanta soo saartay Dawladda Hindiya ayaa lagu sheegay in saraakiisha MILF ay lacag ka soo aruuriyeen dadka reer Hindiya si ay ugu qayb qataan waxa ay ugu yeereen qalqal galinta Bulshada iyo guud ahaan nidaamka Dowladda.
Booliiska Hindiya ayaa xiray in ka badan 200 oo xubnood oo ka tirsan Ururka MILF, iyaga oo lagu eedeeyay in ay qorsheynayeen rabshado diimeed iyo falal lid ku ah Qarannimada dalkaasi.
Ururada xuquuqul insaanka iyo qaar kamid ah Dowladaha shisheeye ayaa ku eedeeyay xisbiga Hinduuga ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Narendra Modi inay cadaadis ku haayaan Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Hindiya.
Kooxaha Hinduuga xagjirka ah oo ay taageerto xukuumadda, ayaa wada olole iyo dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo ay ku beegsanayaan dadka Muslimiinta ah, kuwaasi oo muddooyinkii danbe ku howlanaa weerarro ay ku qadayeen masaajidda Muslimiinta iyo goobaha waxbarashada, iyadoo marar badan ay soo baxayeen falal lagula kacayay dadka muslimiinta ah.