Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumadda iyo deeq-bixiyeyaasha oo ka wada hadlay mashruuca New Deal

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Midowga Yurub oo Taageeraya Horumarinta Waaxda Tamarta Soomaaliya:-War-Saxaafadeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan uu shir guddoominayey Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte oo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo saraakiisha ka socota hey’adaha iyo wadamada deeq-bixiyeyaasha ee ku yaboohay mashruuca New Deal-ka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirka ayaana diiradda lagu saaray wixii ka qabsoomay mashruuca iyo sidii loogu jawaabi lahaa saluugga ay dowladda Federaalku ka muujisay habsami u socodka barnaamijkan.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Sh. Yuusuf Ceynte ayaa warbaahinta qaranka u sharraxay muhiimadda uu shirkan lahaa, iyo doodda ku aadaneyd saluugga laga qabo qaar ka mid ah qodobada heshiiska New Deal-ka ee la fulin waayey…Cod

“Shirkan bilaha ah, waa mid diiradda lagu saaro mashaariicda New Deal-ka, waxaa shir guddoonayey ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda, deeq-bixiyeyaashana wey ka soo qeyb galeen, waxaan ka doodnay sidii horey loogu wadi lahaa arrimaha barnaamijkan iyo in si deg deg ah tallaabooyin loogu qaado waxyaabaha ka qabsoomi waayey New Deal-ka”. Ayuu yiri Ceynte.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in shirka lagu falanqeeyay sida loo xoojin lahaa meelaha uu gaabisku ka jiro.

“Waan isku soo qaadnay saluugga ay qabaan shacabka iyo dowladda ee ku aaddan barnaamijka New Deal-ka, waxaa jira mashaariic la fuliyey, hadana weli waxaan sii wadi doonnaa doodaheenna la xiriira in la dardar galiyo lacagaha mashaariicda lagu fulinayo sidii loo heli lahaa, kuwaas oo mararka qaar soo daaha”. Ayuu sii raciyay.

Midowga Yurub ayaa dowladda Soomaaliya sanadkii 2013-ka ugu yaboohay dhaqaale badan oo ka caawinaya sidii dib loogu dhisi lahaa, lacagtaas oo ku baxeysa mashruuc weyn oo lagu magacaabo New Deal, qaar badan oo ka mid ah wali lama helin. Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan sheegay in mashruucan uu ku socdo si gaabis ah oo aysan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeedba ku qanaci Karin.

Previous Post

Munaasabadda Caleema Saarka Baarlamaanka Maamulka Jubba Oo Kismaayo Ka Socota

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Khudbad Ka Jeediyay Munaasabadda Caleema Saarka Baarlamaanka Jubba

Next Post
Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Xuseen Bantu

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Khudbad Ka Jeediyay Munaasabadda Caleema Saarka Baarlamaanka Jubba

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In