Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumadda iyo deeq-bixiyeyaasha oo ka wada hadlay mashruuca New Deal

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 7, 2015
in Wararka
0
Midowga Yurub oo Taageeraya Horumarinta Waaxda Tamarta Soomaaliya:-War-Saxaafadeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan uu shir guddoominayey Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte oo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo saraakiisha ka socota hey’adaha iyo wadamada deeq-bixiyeyaasha ee ku yaboohay mashruuca New Deal-ka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirka ayaana diiradda lagu saaray wixii ka qabsoomay mashruuca iyo sidii loogu jawaabi lahaa saluugga ay dowladda Federaalku ka muujisay habsami u socodka barnaamijkan.

Related posts

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Sh. Yuusuf Ceynte ayaa warbaahinta qaranka u sharraxay muhiimadda uu shirkan lahaa, iyo doodda ku aadaneyd saluugga laga qabo qaar ka mid ah qodobada heshiiska New Deal-ka ee la fulin waayey…Cod

“Shirkan bilaha ah, waa mid diiradda lagu saaro mashaariicda New Deal-ka, waxaa shir guddoonayey ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda, deeq-bixiyeyaashana wey ka soo qeyb galeen, waxaan ka doodnay sidii horey loogu wadi lahaa arrimaha barnaamijkan iyo in si deg deg ah tallaabooyin loogu qaado waxyaabaha ka qabsoomi waayey New Deal-ka”. Ayuu yiri Ceynte.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in shirka lagu falanqeeyay sida loo xoojin lahaa meelaha uu gaabisku ka jiro.

“Waan isku soo qaadnay saluugga ay qabaan shacabka iyo dowladda ee ku aaddan barnaamijka New Deal-ka, waxaa jira mashaariic la fuliyey, hadana weli waxaan sii wadi doonnaa doodaheenna la xiriira in la dardar galiyo lacagaha mashaariicda lagu fulinayo sidii loo heli lahaa, kuwaas oo mararka qaar soo daaha”. Ayuu sii raciyay.

Midowga Yurub ayaa dowladda Soomaaliya sanadkii 2013-ka ugu yaboohay dhaqaale badan oo ka caawinaya sidii dib loogu dhisi lahaa, lacagtaas oo ku baxeysa mashruuc weyn oo lagu magacaabo New Deal, qaar badan oo ka mid ah wali lama helin. Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan sheegay in mashruucan uu ku socdo si gaabis ah oo aysan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeedba ku qanaci Karin.

Previous Post

Munaasabadda Caleema Saarka Baarlamaanka Maamulka Jubba Oo Kismaayo Ka Socota

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Khudbad Ka Jeediyay Munaasabadda Caleema Saarka Baarlamaanka Jubba

Next Post
Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Xuseen Bantu

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Khudbad Ka Jeediyay Munaasabadda Caleema Saarka Baarlamaanka Jubba

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad ee xornimada iyo Midnimada...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65-...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

July 1, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii oo Isniin ahayd kaga qeybgalay Xuska 65...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In