Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumadda oo guddi u magcaabdey baaritaanka dilkii Xildh Dirir

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xukuumadda Federaalka  ee Soomaaliya, ayaa guddi soo  baara dilkii ALLAHA u naxariistee Xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi iyo dadkii kale ee dhacdadaasi ku geeriyoodey, waxaana guddigaasi la faray in sida ugu dhaqsiyaha badan ay jawaab uga keenaan.

Dikreeto ka soo baxdey Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, balse uu ku saxiixan yahay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda, Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa  waxaa lagu magcaabay guddigaan Sagaalka Xubnood ah ee baarista ku soo sameynaya falkii lagu dilay Yuusuf Dirir Cabdi iyo dadkii kale, taasoo la sheegay in ay ka dambeeyeen xubno ka tirsan ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, xubnaha guddiga ayaana kala ah.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

1-Dr. Axmed Cali Daahir   Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka : Guddoomiye

2- Cor Cabdullaahi Xuseen Maxamed Xeer-ilaaliyaha maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida: Xubin

3-Cor Xasan Sheekh C/samad hoggaanka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed : Xubin

4-General Saciid Axmed Kadiye Taliyaha Hoggaanka baarista C.I.D. : Xubin

5-G/le Maxamed Xasan taliyaha hoggaanka Baarista NISA :Xubin

6-Xil. Daahir Amiin Jeesoow Gud: guddiga Amniga Barlamaanka :Xubin

7-Xil. Xuseen Carab Ciise Gud: guddiga Difaaca Barlamaanka :Xubin

8-Maxamed Xasan Faarax Lataliyaha sare sharciga X/R/W Soomaaliya: Xubin

9-Cabdullaahi Bashiir Cabdi-nuur Ag Amniga X/ Ra’iisul wasaaraha : Xubin

Xilka iyo Waajibaadka guddigan ayaa kala ah.

1-In ay warbixin horu-dhac oo ku saabsan baaritaankooda in ay keenaan xafiiska Ra’iisul wasaraha ugu dambeyn maalinta Jimcaha ee ay Tr tahay 29th May 2015.

2-in ay u gudbiyaan baaritaankooda Maxkamadda awoodda u leh.

3-in baaritaanka lagu soo gabagabeeyo laba todobaad oo la bilaabaneysa Tr Warqaddan

Waxaa ku saxiixan Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte (Qaalib)

 

Previous Post

Madaxweynaha Qaranka “Sanadkan argagixisada dalka oo dhan waa laga xoreynayaa”

Next Post

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In