Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumadda oo guddi u magcaabdey baaritaanka dilkii Xildh Dirir

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 26, 2015
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xukuumadda Federaalka  ee Soomaaliya, ayaa guddi soo  baara dilkii ALLAHA u naxariistee Xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi iyo dadkii kale ee dhacdadaasi ku geeriyoodey, waxaana guddigaasi la faray in sida ugu dhaqsiyaha badan ay jawaab uga keenaan.

Dikreeto ka soo baxdey Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, balse uu ku saxiixan yahay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda, Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa  waxaa lagu magcaabay guddigaan Sagaalka Xubnood ah ee baarista ku soo sameynaya falkii lagu dilay Yuusuf Dirir Cabdi iyo dadkii kale, taasoo la sheegay in ay ka dambeeyeen xubno ka tirsan ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, xubnaha guddiga ayaana kala ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025

1-Dr. Axmed Cali Daahir   Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka : Guddoomiye

2- Cor Cabdullaahi Xuseen Maxamed Xeer-ilaaliyaha maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida: Xubin

3-Cor Xasan Sheekh C/samad hoggaanka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed : Xubin

4-General Saciid Axmed Kadiye Taliyaha Hoggaanka baarista C.I.D. : Xubin

5-G/le Maxamed Xasan taliyaha hoggaanka Baarista NISA :Xubin

6-Xil. Daahir Amiin Jeesoow Gud: guddiga Amniga Barlamaanka :Xubin

7-Xil. Xuseen Carab Ciise Gud: guddiga Difaaca Barlamaanka :Xubin

8-Maxamed Xasan Faarax Lataliyaha sare sharciga X/R/W Soomaaliya: Xubin

9-Cabdullaahi Bashiir Cabdi-nuur Ag Amniga X/ Ra’iisul wasaaraha : Xubin

Xilka iyo Waajibaadka guddigan ayaa kala ah.

1-In ay warbixin horu-dhac oo ku saabsan baaritaankooda in ay keenaan xafiiska Ra’iisul wasaraha ugu dambeyn maalinta Jimcaha ee ay Tr tahay 29th May 2015.

2-in ay u gudbiyaan baaritaankooda Maxkamadda awoodda u leh.

3-in baaritaanka lagu soo gabagabeeyo laba todobaad oo la bilaabaneysa Tr Warqaddan

Waxaa ku saxiixan Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte (Qaalib)

 

Previous Post

Madaxweynaha Qaranka “Sanadkan argagixisada dalka oo dhan waa laga xoreynayaa”

Next Post

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In