Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumadda oo hirgelisay 3 xarumood oo muhiim u ah ka jawaabidda Musiibooyinka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xukuumadda Federaala ee Soomaaliya waxay dhawaan hirgalisay,  Sadex xarumood oo muhiim u ah ka jawaabista iyo maaraynta musiibooyinka, xarumahaan oo sadexduba muhiim u ah, maaraynta musiibooyinka iyo u adeegidda bulshada Soomaaliyeed ee ay wax yeelada kasoo gaarto, oo kala ah.

1. Xarunta Gargaarka iyo howlgallada ee ka jawaabista iyo maaraynta Musiibooyinka, taas oo hoos tagta Haydda Maaraynta Musiibooyinka oo dhawaan laga hirgaliyay gudaha isbitaalka foorlanin, (National Emergency Operation Center), xaruntaan waxaa horay u dhagax dhigay Xukuumadihii hore aa dalka, waxaana lagu dhagax dhiggay hargaha iyo saamaha, balse Xukuumaddu waxay ku guulaystay in ay ka hirgaliso gudaha isbitaalka forlanini, dhismaheeda la dhamaystiro, laguna howlagalo, Xaruntan ujeedada loo aasaasay iyo shaqadeedu waa inay Hoggaamiso guud ahaan gurmadka degdeg ah ee musiibooyinka dhaca ama dhici kara, waxayna xariirinaysaa gurmadyada kala duwan ee hay’adaha dowladda ay kaga jawaabayaan, fatahaadaha, abaaraha, iyo musiibooyinka kale ee imaan karo kuwa dabiici ah iyo bani aadan sababay labaduba

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

2. Xarunta u diyaar-garoowga, maaraynta iyo la talacaalidda cudur dillaacyada iyo musiibooyinka caafimaadka guud la xariira (Public Health Emergency Operation Center), waa xarun hoos tagta Wasaaradda caafimaadka iyo daryeel Bulshada, waxayna Wasaaradda caafimaadku dhawaan ka hirgalisay gudaha isbitaalka D-martino, xaruntan waxay ka shaqaynaysaa la socdoka cudurrada faafa, u diyaargaroowga musiibooyinka la xariira caafimaadka guud sida cudur dillaacyada, dabagalka, maaraynta iyo ka jawaabista cudur dillaacdaya, dhawaan ayaa xarigga ay ka wada jareen wasiirka caafimaadak iyo raysalwasaaraha, iyadoo si buuxda loo howl galiyay

3. Xarumaha gargaarka degdegga ah ee  isbitaalada ku dhex yaal   (Trauma centers/ Medical Emergency center), Waa xarumo hoos yimaada Wasaaradda caafimaadka  kana shaqeeya gargaarka degdegga ah ee dhaawacyada, gaar ahaan dhaawacyada ka yimaada qaraxyada iyo dhacdooyinka la midka ah, xarumahaan oo aan horay u jiri jirin, waxaa xarunti ugu horraysay laga hirgaliyay gudaha isbitaalka Madina oo kamid ah isbitaaladda ugu badan ee qaabila dhaawacyada, xarunta oo ay wada dhagax dhigeen  Ra’iisul Wasaaraha dalka iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada, ayaa la filayaa in ay wax badan ka badali doonto badbaadinta bukaanka iyo dawayntiisa.

Previous Post

US department of state adds Senior Al-Shabab operative Abdullahi Osman Mohamed to most wanted list

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo qabatay siminaar ku saabsan Maareynta Dhiig- shubidda “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka XFS oo qabatay siminaar ku saabsan Maareynta Dhiig- shubidda “SAWIRRO”

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo qabatay siminaar ku saabsan Maareynta Dhiig- shubidda "SAWIRRO"

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In