Friday, July 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumadda Soomaaliya oo agab iyo daawo gaarsiisay magaalada Garbahaareey “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ka socday Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayay Wasiir ku-xigeenka caafimaakda Soomalaiya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Garbahaareey ku soo dhaweeyay Maamulka magaalada, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana loo galbiyaay isbitaalka Jaalle Siyaad oo ah halka lagula tacaalayo bukaanada uu hayo cudurka COVID-19,

Qalab isugu jiray daawo iyo agab loogu talagalay la tacaalidda COVID-19 ayey dowladdda Soomaaaliya gaarsiisay magaalada Garbahaareey, waxaana Wasiirka iyo Dhakhaatiirta la socotay ay ukuur galeen sida uu shaqeynayo xarunta COVID-19 iyo bukaanada ku jira xaaladooda.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026

Wafdiga ayaa sidoo kale waxa ay dhakhaatiirta Isbitaalka iyo shaqaalaha safka hore kaga jira la dagaallanka cudurkaan ay siiyeen tababaro kooban oo la xariira sida loo isticmaalo qalabkaan dadkana looga baaro xanunka COVID-19.

Wasiir ku-xigeenka ayaa mid ka mid ah waxgaradka magaaladaasi u sameeyay baritaankii ugu horeeyay, kaasi oo natiijada isla goobta loogu sheegay in uu ka cafimaad qabo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda cafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Axmed Xuseen Macalin “Dr Gureey” ayaa xusay in deeqda ay gaarsiyeen magaalada ay tahay mid loogu talagalay in wax loogu qabto bulshada ku dhaqan magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo.

Maamulka iyo waxgaradka magaalada Garbahaareey ayaa ka mahadceliyay sida Dowladda uga jaawaabtay dhibaatada uu cudurka ku keenay, ayada oo saacadahii lasoo dhaafay ay dad ugu geeriyoodeen magaalada.

Cabdiqani Sheekh Cali Diini iyo Dr Shaafici Aadan Dirir ayaa qurba joogta iyo ganacsatada ugu baaqay in ay gurmad la gaaraan isbitaalka iyo bulshada gobolka Gedo oo wajahaya xaalado ay sababeen abaaro iyo cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Dhanka kale Wasiir ku-xigeenka cafimaadkaada Axmed Xuseen Macalin Gureey ayaa xariga ka jaray Xarunta hooyada iyo dhallaanka ee xaafadda Waabari magaalada Garbahaareey, taasi oo ay hirgalisay gabar Soomaaliyeed.

Wasiirka ku-xigeenka Caafimaadka Dr Axmed Xuseen Macalin Dr Gureey ayaa sheegay in Wasaaradda cafimaadka ay garab istaagi doonto xaruntaan, asaga oo ka codsaday bulshada in ay ka shaqeeyaan horumarka magaalada.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo sagootiyey Cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Next Post
Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee...

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

July 30, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS, ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee magacaabista ergeyga Soomaaliya ee...

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

July 30, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Uganda kaga qayb galay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In