Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumadda Washington oo ku dhawaaqday dhammaadka dhacdooyinka Suuriya.

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda Washington oo ku dhawaaqday dhammaadka dhacdooyinka Suuriya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxa ciidamada Militeriga Mareykanka aya ku dhawaaqay dhammaadka dhacdooyinka argagaxa leh ee Suuriya ka dhaca, Faransiiska iyo Ingiriiska oo ka soo horjeeda Barnaamijka hubka kiimikada ee Suuriya loo isticmaalay ayaa ku taageeray wararka ka soo yeeray xulafada Washington iyaga oo dhanka kale xukuumadda Suuriya, Ruushka iyo Iran ku cambaareyay dhiibatooyinka ay ka geeysanayaan Suuriya.

Danford oo uu weheliya Xoghayaha Difaaca Mareykanka James Matisse, aya sheegay in aysan jirin qorshe howlgal milatari ah oo dheraad ah oo ay ka fulinayan gudaha Suuriya, isaga oo intaa ku daray in Ruushka horey loogu digin weerarrada uu ka wada gudaha Suuriya, Madaxa ciidamada Militeriga Mareykanka aya sidokale sheegay in Washington iyo xulufadeeda ay ku dadaalayaan in aysan beegsan ciidamada Ruushka ee Suuriya ku sugan.

Related posts

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026

Danford aya intaasi ku daray in  weerarkan uu amray madaxweyne Donald Trump uu bilowday subaxnimadii saaka waxana ugu horeeyntii weerarkan lagu beegsaday Sedex xarumood oo lala xiriirinaya Barnaamijka hubka kiimikada ah ee yaala saldhigyada Bishaar al-Asad.

Gobaha ay werarada ka geysteen Mareykanka aya waxa kamid ah Xarun cilmi baaris ah oo ku dhaw Magaalada  Dimishiq, xarun lagu keydiyo hubka kiimikada ah iyo xarun muhiim ah oo ku dhaw magaalada Xomos.

Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka aya si adag ugu hadashay Gabood falo ay shegeen inuu geeystay Bishaar Al Asad kuwa oo aha weeraro loo adeegsaday hubka kiimikada ah kaasi oo kadhacay magaalada Duuma oo dhacda bariga Caasimada Suuriya ee Dimishiq.

Madaxa ciidamada militeriga Maraykanka ayaa sheegay in weerarka oo socday muddo saacada ay  qeyb ka aheyeen  weerarro dhanka Cirka ah oo ruxay degaanada ku harereeysay halkii ay ka dhaceen Werarada.

Sanadkii la soo dhaafay Mareykanka ayaa weerar ku qaaday goobo ay ku sugnayeen Ciidamo ka amar qaato xukuumadda Asad kwaasi oo la sheegay in gaaska  khatarta ah ay u adeegsadeen werarrada ay ka fuliyeen goobaha ay ku suganyahiin dadka rayidka ah.

dawlada suriya oo ka hadashay weerarkan ayaa sheegtay in tani ay tahay gardarro aan geed loosoo gabban, iyadoo intaas ay kudartay in ciidamada suuriya ay soo rideen gantaalo ay soo rideen mareykanka.

xukuumadda Mareykanka  ayaa sheegtay in ay bartilmaameydsanayaan meelo dawlada suriya ay hubka kiimikada ku keydsato, ujeedadeenu ay tahay inay burburiyaan dhammaan xarumaha hubkaas uu ku keydsanyahay.

Khubarada falanqeysa Arimaha milatariga ayaa sheegay in weerarada xulafada Mareykanka  ay kuqaaday Suuriya ay xaalada ugasii dari doonto.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay ka qeyb galka Shir Madaxeexdka 29-aad ee Jaamacadda Carabta

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In