Saturday, July 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya iyo Itoobiya Ciyaartii Shalay” Sawiro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya iyo Itoobiya Ciyaartii Shalay” Sawiro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xulka Qaranka Kubada Cagta Soomaaliya ayaa ciyaaray kulankii labaad ee koobka bariga iyo bartamaha qarada afrika waxaana fooda ay is dareen xulka qaranka Ethiopia oo deris aynu nahay.

Kulankaasi xiisaha badan ayaa ka dhacay Magalada hawaasa oo ah Caasimadda labaad ee dalkaasi Ethiopia waxaana garoonkaasi u soo daawasho tagay 45,675 oo sadex markii loo dhigo ay ahayeen daawadayaal Soomaaliyeed kuwaasi oo masafo dheer u galay Dawashada xulka Qaranka Soomaaliya,

Related posts

Liiska Golaha Wasiirrada Cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Liiska Golaha Wasiirrada Cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

July 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goobaha dalxiiska ee duleedka Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goobaha dalxiiska ee duleedka Muqdisho

July 11, 2026

Waxaana ay ka amba baxeen qaar ka mid oo aan qadka telefanka kula xiriiray Magalada adis ababa oo ah xarunta dalkaasi Ethiopia kuwaasi oo u safray Magalada Hawasa oo ciyaartu ay ka dhaceysay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa ay ku soo idlaatay 1-0 oo ay hogaanka ku hayso Ethiopia ayadoo soomaaliya ay heshay fursado badan balse aysan ka faa,ideysan. Qaybtii danbe oo dib la isugu soo laabtay ayaa waxaa soomaaliya ay soo bandhigtay ciyaar heerkeedu sareeya,

Balse nasiib daro waxaa laga dhaliyay goolkii labaad ee ciyaarta kaas oo ahaa kubad corner ahayd oo Ethiopia soo tuuratay ayadoo xusid mudan in kii kowaad na uu ahaa Sidoo kale corner Ethiopia loo dhigay.

Guud ahaan ciyaartii xiisaha badneyd ee dhex martay Ethiopia iyo soomaaliya ayaa waxaa ay ku soo idlaatay 2-0 oo ay guusha ku raacday Ethiopia waxaana taasi micnaheedu tahay in soomaaliya ay isaga hartay koobkii bariga iyo bartamaha qarada afrika maada a laga adkaaday soomaaliya kulankii labaad oo is xiga.

Kulanka sadexaad ayeey la ciyaari doonta soomaaliya xulka qaranka Rwanda oo guul ka soo gaaray Ethiopia kulan adagna la ciyaari doono Tanzania oo soomaaliya hore u soo qaarijisay.

Hadaba waxaa sii kordhaya guuldarooyinka soo gaaraya xulka qaranka kubada cagta soomaaliya waxaana guul daradaasi soo gaartay ay noqoneysaa guul daradii labatanaad ee soo gaarta soomaaliya kow iyo labatankii kulan ee ugu danbeeyay oo ay ciyaartay.

Sidoo kale soomaaliya ayaa mar kale ku guul dareysatay in wax gool ah ay dhaliso waxaana uu noqonaya kulankani kii 12aad oo ay ku guul dareysato in wax gool ah ay dhaliso ayadoo 8 dii kulan ee ugu danbeysay laga dhaliyay 19 gool.

Kaaliyaihii macalinka xulka qaranka kubada cagta soomaaliya ayaa sheegay in soomaaliya wali ay dhismo iyo abaabul lagu hormarinayo ay wadaan taasi ayaana keeneysa ayuu yiri guul darooyinka fara batay uu cadeystay xulka qaranka kubada cagta soomaaliya.

Previous Post

Safiirka Somaliya ee Dalka kuweyt oo tacsi u diray Safiikii Dalka Masar ee Geeriyooday.

Next Post

Safiirkii Soomaaliya ee Masar oo aas qaran loo sameeyay “SAWIRRO”

Next Post
Safiirkii Soomaaliya ee Masar oo aas qaran loo sameeyay “SAWIRRO”

Safiirkii Soomaaliya ee Masar oo aas qaran loo sameeyay "SAWIRRO"

Liiska Golaha Wasiirrada Cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Liiska Golaha Wasiirrada Cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si rasmi ah u magacaabay Golaha Wasiirrada cusub...

Wasiirka Warfaafinta XFS iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goobaha dalxiiska ee duleedka Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goobaha dalxiiska ee duleedka Muqdisho

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenka Amniga Gudaha XFS Sulub Axmed...

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

July 10, 2026
0

Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

July 10, 2026
0

Muqdisho, 10 Luulyo 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray Saraakiil iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In