Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya iyo Itoobiya Ciyaartii Shalay” Sawiro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 26, 2015
in Ciyaaraha, Wararka
0
Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya iyo Itoobiya Ciyaartii Shalay” Sawiro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xulka Qaranka Kubada Cagta Soomaaliya ayaa ciyaaray kulankii labaad ee koobka bariga iyo bartamaha qarada afrika waxaana fooda ay is dareen xulka qaranka Ethiopia oo deris aynu nahay.

Kulankaasi xiisaha badan ayaa ka dhacay Magalada hawaasa oo ah Caasimadda labaad ee dalkaasi Ethiopia waxaana garoonkaasi u soo daawasho tagay 45,675 oo sadex markii loo dhigo ay ahayeen daawadayaal Soomaaliyeed kuwaasi oo masafo dheer u galay Dawashada xulka Qaranka Soomaaliya,

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Waxaana ay ka amba baxeen qaar ka mid oo aan qadka telefanka kula xiriiray Magalada adis ababa oo ah xarunta dalkaasi Ethiopia kuwaasi oo u safray Magalada Hawasa oo ciyaartu ay ka dhaceysay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa ay ku soo idlaatay 1-0 oo ay hogaanka ku hayso Ethiopia ayadoo soomaaliya ay heshay fursado badan balse aysan ka faa,ideysan. Qaybtii danbe oo dib la isugu soo laabtay ayaa waxaa soomaaliya ay soo bandhigtay ciyaar heerkeedu sareeya,

Balse nasiib daro waxaa laga dhaliyay goolkii labaad ee ciyaarta kaas oo ahaa kubad corner ahayd oo Ethiopia soo tuuratay ayadoo xusid mudan in kii kowaad na uu ahaa Sidoo kale corner Ethiopia loo dhigay.

Guud ahaan ciyaartii xiisaha badneyd ee dhex martay Ethiopia iyo soomaaliya ayaa waxaa ay ku soo idlaatay 2-0 oo ay guusha ku raacday Ethiopia waxaana taasi micnaheedu tahay in soomaaliya ay isaga hartay koobkii bariga iyo bartamaha qarada afrika maada a laga adkaaday soomaaliya kulankii labaad oo is xiga.

Kulanka sadexaad ayeey la ciyaari doonta soomaaliya xulka qaranka Rwanda oo guul ka soo gaaray Ethiopia kulan adagna la ciyaari doono Tanzania oo soomaaliya hore u soo qaarijisay.

Hadaba waxaa sii kordhaya guuldarooyinka soo gaaraya xulka qaranka kubada cagta soomaaliya waxaana guul daradaasi soo gaartay ay noqoneysaa guul daradii labatanaad ee soo gaarta soomaaliya kow iyo labatankii kulan ee ugu danbeeyay oo ay ciyaartay.

Sidoo kale soomaaliya ayaa mar kale ku guul dareysatay in wax gool ah ay dhaliso waxaana uu noqonaya kulankani kii 12aad oo ay ku guul dareysato in wax gool ah ay dhaliso ayadoo 8 dii kulan ee ugu danbeysay laga dhaliyay 19 gool.

Kaaliyaihii macalinka xulka qaranka kubada cagta soomaaliya ayaa sheegay in soomaaliya wali ay dhismo iyo abaabul lagu hormarinayo ay wadaan taasi ayaana keeneysa ayuu yiri guul darooyinka fara batay uu cadeystay xulka qaranka kubada cagta soomaaliya.

Previous Post

Safiirka Somaliya ee Dalka kuweyt oo tacsi u diray Safiikii Dalka Masar ee Geeriyooday.

Next Post

Safiirkii Soomaaliya ee Masar oo aas qaran loo sameeyay “SAWIRRO”

Next Post
Safiirkii Soomaaliya ee Masar oo aas qaran loo sameeyay “SAWIRRO”

Safiirkii Soomaaliya ee Masar oo aas qaran loo sameeyay "SAWIRRO"

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In