Xulka Qarankeena Soomaaliya oo ka qayb galayay koobka bariga iyo bartama Afrika oo sanadkan ka dhacayay dalka Uganda caasimadiisa Kampala ayaa lagu amaanay cayaar wanaagii ay muujiyeen intii koobkan socday.
Xulka Qaranka oo laba jeer barbar dhac galay halka marna badiyay marna laga badiyay ayaa muujiyay dadaal dheeri ah oo amaan usoo hooyday shacabka Soomaaliyeed meel walba uu kala joogo.
Dadka aadka ugu dhuun daloola arrimaha cayaaraha ayaa sheegay in sanadkan Soomaaliya ay la timid wax aan horay looga baran, maadaama ay ka badisay koox marna aan lays lahayn way ka badan doontaa oo ah dalka Burundi.
Cumar oo ah Guddoomiyaha Ururka Ciyaaraha ee Uganda ka dhisan ayaa sheegay in labadii jeer ay barbar dhaca gashay Soomaaliya ay sabab u ahayd cimilada oo saamayn ku yeeshay “markii Soomaaliya iyo Walaalaha Jabuuti Ciyaarayeen waxaa garoonka ka da’ayay roob saa’id ah oo qasbay in ciyaarta sidii loogu tala galay u dhacdo, sidaa oo ay tahay ay Soomaaliya dhanka ciyaar wanaaga iyo baaska ka sareysay kooxdii la dheelaysay ee Jabuuti” ayuu yiri Cumar
Liibaan Shiine oo ka mid ah dhallinyarada aadka ula socday cayaartaha Koobka bariga iyo Bartama Afrika ayaa sheegay in la dhihi karo Soomaaliya sanadkan waxa ay soo hooysay guul lagu faani karo, maadaama ay koox adag oo gurigeeda lagu dheelayo ay iska baacisay iyagoo guul dirqi ah halkaas ka qaatay.
“Uganda xulkeeda waa xul aad u adag oo miisaaniyad leh, ahna kooxaha ugu adag ee koobkan Cecafa Cup dheelaya waliba jooga dhulkooda Hooyo ayey 0-2 guusha ku raacday kooxda Uganda, iyadoo xiliyadii hore Soomaaliya marka ugu yaraato looga badin jiray 0-4 iyo wax ka badan” ayuu yiri’ Liibaan Shiine oo SONNA u waramayay.
Cumar iyo Liibaan Shiine ayaa SONNA u sheegay in hadii Xulkeena Soomaaliya heli lahaa daryeelka ay heestaan wadama kale xulkooda laga yaabi lahaa guulaha ay soo hooynayaan waayo bey yiraahdeen xulkeena Qaranka waxa ay ka kala yimaadeen dalal kala duwan oo in ay kulmaan waxaa ugu horaysay markii ciyaarta ka dhineed oo kaliya maalmo si ay tabaabar kooban iskula qaataan.
Waxa ayna ugu baaqeen dowladdeena Soomaaliya in xoogga saarto daryeelka iyo maalgalinta xulka Qarankeena Soomaaliya oo wadama ugu yar ee qarash ku bixiya ay sanadkii siiyaan xulkooda shan milyan oo Dollar, halka Soomaaliya marka ay ciyaar jirto la tabo.
Ugu dambeyntii guulaha xulkeena Qaranka Soomaaliya ayaa aad looga dareemay caalamka dacaladiisa, iyadoo laga rajo qabo in xulkeena sanadaha soo socda uu noqdo xulka ugu fiican dalalka Qaaradda Afrika.