Saturday, July 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Xulka Qaranka Soomaaliya oo aad loo amaanay guulahii ay kasoo hooyeen koobkii Cecafa Cup ee Kampala “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Xulka Qaranka Soomaaliya oo aad loo amaanay guulahii ay kasoo hooyeen koobkii Cecafa Cup ee Kampala “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xulka Qarankeena Soomaaliya oo ka qayb galayay koobka bariga iyo bartama Afrika oo sanadkan ka dhacayay dalka Uganda caasimadiisa Kampala ayaa lagu amaanay cayaar wanaagii ay muujiyeen intii koobkan socday.

Xulka Qaranka oo laba jeer  barbar dhac galay halka marna badiyay marna laga badiyay ayaa muujiyay dadaal dheeri ah oo amaan usoo hooyday shacabka Soomaaliyeed meel walba uu kala joogo.

Related posts

Liiska Golaha Wasiirrada Cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Liiska Golaha Wasiirrada Cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

July 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goobaha dalxiiska ee duleedka Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goobaha dalxiiska ee duleedka Muqdisho

July 11, 2026

Dadka aadka ugu dhuun daloola arrimaha cayaaraha ayaa sheegay in sanadkan Soomaaliya ay la timid wax aan horay looga baran, maadaama ay ka badisay koox marna aan lays lahayn way ka badan doontaa oo ah dalka Burundi.

Cumar oo ah Guddoomiyaha Ururka Ciyaaraha ee Uganda ka dhisan ayaa sheegay in labadii jeer ay barbar dhaca gashay Soomaaliya ay sabab u ahayd cimilada oo saamayn ku yeeshay “markii Soomaaliya iyo Walaalaha Jabuuti Ciyaarayeen waxaa garoonka ka da’ayay roob saa’id ah oo qasbay in ciyaarta sidii loogu tala galay u dhacdo, sidaa oo ay tahay ay Soomaaliya dhanka ciyaar wanaaga iyo baaska ka sareysay kooxdii la dheelaysay ee Jabuuti”  ayuu yiri Cumar

Liibaan Shiine oo ka mid ah dhallinyarada aadka ula socday cayaartaha Koobka bariga iyo Bartama Afrika ayaa sheegay in la dhihi karo Soomaaliya sanadkan waxa ay soo hooysay guul lagu faani karo, maadaama ay koox adag oo gurigeeda lagu dheelayo ay iska baacisay iyagoo guul dirqi ah halkaas ka qaatay.

“Uganda xulkeeda waa xul aad u adag oo miisaaniyad leh, ahna kooxaha ugu adag ee koobkan Cecafa Cup dheelaya waliba jooga dhulkooda Hooyo ayey 0-2 guusha ku raacday kooxda Uganda, iyadoo xiliyadii hore Soomaaliya marka ugu yaraato looga badin jiray 0-4 iyo wax ka badan” ayuu yiri’ Liibaan Shiine oo SONNA u waramayay.

Cumar iyo Liibaan Shiine ayaa SONNA u sheegay in hadii Xulkeena Soomaaliya heli lahaa daryeelka ay heestaan wadama kale xulkooda laga yaabi lahaa guulaha ay soo hooynayaan waayo bey yiraahdeen xulkeena Qaranka waxa ay ka kala yimaadeen dalal kala duwan oo in ay kulmaan waxaa ugu horaysay markii ciyaarta ka dhineed oo kaliya maalmo si ay tabaabar kooban iskula qaataan.

Waxa ayna ugu baaqeen dowladdeena Soomaaliya in xoogga saarto daryeelka iyo maalgalinta xulka Qarankeena Soomaaliya oo wadama ugu yar ee qarash ku bixiya ay sanadkii siiyaan xulkooda shan milyan oo Dollar, halka Soomaaliya marka ay ciyaar jirto la tabo.

Ugu dambeyntii guulaha xulkeena Qaranka Soomaaliya ayaa aad looga dareemay caalamka dacaladiisa, iyadoo laga rajo qabo in xulkeena sanadaha soo socda uu noqdo xulka ugu fiican dalalka Qaaradda Afrika.

Previous Post

Guddiga isku dhafka ee beelihii ku dagaalamay Gobolka Mudug oo kala qaadaya ciidankii halkaasi ku dagaalay

Next Post

Taliska Ciidanka Asluubta oo ka hadlay war been abuur ah oo lagu daabacay baraha bulshada

Next Post
Taliska Ciidanka Asluubta oo ka hadlay war been abuur ah oo lagu daabacay baraha bulshada

Taliska Ciidanka Asluubta oo ka hadlay war been abuur ah oo lagu daabacay baraha bulshada

Liiska Golaha Wasiirrada Cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Liiska Golaha Wasiirrada Cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si rasmi ah u magacaabay Golaha Wasiirrada cusub...

Wasiirka Warfaafinta XFS iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goobaha dalxiiska ee duleedka Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goobaha dalxiiska ee duleedka Muqdisho

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenka Amniga Gudaha XFS Sulub Axmed...

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

July 10, 2026
0

Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

July 10, 2026
0

Muqdisho, 10 Luulyo 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray Saraakiil iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In