Sunday, February 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska 8 Maarso oo Muqdisho lagu qabtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xuska 8 Maarso oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabada 8,Maarso oo ah maalinta caalamiga ee Haweenka Aduunka oo maanta lagu qabtay xarunta Gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ,Wasiiro ka tirsan Xukuumada Federaalka Soomaaliya,Xildhibaano,Taliyaha hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka,Haweenka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir,Ururada Haweenka ee ka jira gobolka Banaadir iyo gobolada dalka qaar,Ururada u dhaq dhaqaaqa Xuquuqda Haweenka,Ardayda Jaamcadaha ,Fanaaniin ay ka mid tahay Fanaanada Muslimo Qaasim Hilowle iyo marti sharaf kale.

Goobta munaasabada 8,da maarso ay ka dhaceysay ayaa dhamaan dadkii kala duwanaa ee ka soo qeyb galay xuska maalintan waxay dareen ahaan ay aad ugu faraxsanaayeen maalintan haween weynaha Aduunka ,waxaana ay ku labisnaayeen dharka ka sameysan calankeena Buluuga ah,Haween uu ka muuqday u diyaar garowga maalintan qiimaha weyn u leh dhamaan Haweenka Aduunka ,sidoo kale waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka goobta ay munaasabadu ka dhaceysay.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

February 14, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

February 14, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa salaam sharaf ka qaatay cutubyo ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka tirsan iyadoo Kooxda Baambeyda ee ciidanka Booliska Soomaliyeedna ay garaaceen Astaanta Qaranka Soomaaliyeed.

Intaas ka dib gabdhaha ciidanka ah ee Booliska iyo Militariga ah iyo sidoo kale haweenkii kale ee kasoo qeyb galay munaasabada ayaa socod ku maray halka uu fadhiyay Madaxweynaha dalka.

Qaar ka mid ah Haweenkii Munaasabadan ka qeyb galay oo aa la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin u dabaaldega munaasabada 8,da Maarso.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay wasaarada Haweenka ay sanadkan diyaarisay qorshayaal lagu horumarinayo Haweenka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hamblayo ku aadan 8,da maarso u diray Haweenka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Haween weynaha Aduunka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay kaalin weyn ka qaateen horumarka dalka.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhamaan haweenka Soomaaliyeed in sanadkan 2015,ka uu noqdo sanad ay horumar balaaran sameeyaan haweenka Soomaaliyeed isla markaana ay sameeyaan mashruucyo badan oo lagu abuurayo haweenka Soomaaliyeed.

Sanadka markuu ahaa 1977-dii ayay aheyd markii Qaramada Midoobay ay u aqoonsatay 8,da bisha Maarso in ay tahay maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Aduunka ,waxaana sanad walba laga xusaa guud ahaan dalalka Caalamka oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Previous Post

Maamulaha xarunta agoonta gabdhaha Boondheere oo hambalyo u dirtay haweenka Soomaaliyeed “Sawirro”

Next Post

Ra’iisul wasaare Cumar oo kulamo la leh Waxgaradka gobolada Mudug iyo Galgaduud

Next Post
RW Sharma’arke:  “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo Xarardheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”

Ra’iisul wasaare Cumar oo kulamo la leh Waxgaradka gobolada Mudug iyo Galgaduud

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

February 14, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirka Dowladda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

February 14, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay Shir Madaxeedka Midowga Afrika waxa uu kaga...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo furay shir-weynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo furay shir-weynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka

February 14, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka ah (DPI) ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, waxaana si wadajir ah u...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya

February 14, 2026
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In