Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska maalinta Afka Hooyo oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Xuska maalinta Afka Hooyo oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud dhigiisa Jabuuti Mudane Ismaacill Cumar Geelle, Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey maalinta Afka hooyo, kaasi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

21 Febaraayo waa maalin caalami ah oo Jamciyada Qaruumaha ka dhaxeysa ay u aqoonsatay Maalinta Afafka Hooyo 17kii November Sanadii 1999kii, waxaana Maanta Dunida oo dhan looga dabaal dagayaa xuska Maalintaan Caalamiga ah.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026

Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka kala yimid wadamada Caalamka ayaa ka qayb galay Xuska Maalinta Afka hooyo, waxaana sidoo kale ka qayb galay wufuud ka kala socotay Wadamada Kenya iyo Ethiopia oo ka mid ah Wadamada Geeska Afrika ee Afka Soomaaliga looga hadlo.

Wasiirka Warfaafianta Hidaha iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka ku hadlay Afka qaban qaabiyeyaasha munaasabadda ayaa waxa uu soo dhaweeyay kaqayb galayaasha, isagoo u mahad celiyay dhamaan intii ka qeyb gashay munaasabadda.

Xaamud Cali Xasan Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in furitaanka Akadeemiye goboleedka daryeelka Afka hooyo ay muhiimad gaar ah ugu fadhiso Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dalka.

Wasiirka Hidaha iyo dhaqanka Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Aadan Xasan Aadan oo ka hadlay Munaasabada ayaa waxaa uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya uga Mahad celiyay sida uu uga aqbalay in Akadamaiyad Goboleedka Cilmiga iyo fanka laga furo Muqdisho.

Guddoomiyaha baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawari ayaa ku dheeraaday ka hadalka Maalintaan iyo Muhiimada ay u leedahay Dadka ku hadla Af Soomaaliga, waxaana uu bogaadiyay Xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti in la sii xoojiyo, lagana wada shaqeeyo horumarinta afka Hooyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Munaasabadda ayaa mar kale ku celiyay isagoo ka hadlayay Muhiimada ay leedahay Afka hooyo in Xafiisyada Dowladda aan laga soo saari karin warqad Af qalaad ku qoran cidii ku dhaqaaqdana lala xisaabtami doono.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo isna xafladda hadal kooban ka jeediyay ayaa mahadcelin u jeediyay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo uu xusay inaysan iloobi doonin xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeysa labada shacab, waxaana uu Madaxweynaha Soomaaliya uu ku amaanay soo nooleynta Afka hooyo.

DSC06439

DSC06440

DSC06441

DSC06442

DSC06445

DSC06447

DSC06451

DSC06454

DSC06456

DSC06458

DSC06471

DSC06473

DSC06474

DSC06476

DSC06480

DSC06482

DSC06488

DSC06490

DSC06500

DSC06501

DSC06505

DSC06515

DSC06518

DSC06542

DSC06544

DSC06551

DSC06558

DSC06560

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Previous Post

MUUQAAL-Madaxweynaha Djibouti oo si diiran loogu soo dhoweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Oo Kigali Siminaar Uga Furay Guddiga Garsoorka Ee Baarlamaanka “SAWIRRO”

Next Post
Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Oo Kigali Siminaar Uga Furay Guddiga Garsoorka Ee Baarlamaanka “SAWIRRO”

Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Oo Kigali Siminaar Uga Furay Guddiga Garsoorka Ee Baarlamaanka “SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In