Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Oo Kigali Siminaar Uga Furay Guddiga Garsoorka Ee Baarlamaanka “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 21, 2015
in Wararka
0
Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Oo Kigali Siminaar Uga Furay Guddiga Garsoorka Ee Baarlamaanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa siminaar sare loogu qaadayo aqoontooda uga furay magaalada Kigali ee Caasimadda dalka Rwanda Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Siminaarkan oo ay oo ay taaba gelineyso hay’ad fadhigeedu yahay dalka Germany ayaa waxaa lagu baranayaa arrimaha Garsoorka Dalka iyo isbar bar dhig lagu sameynayo arrimaha Garsoorka dalalka Caalamka si gaar ah waxaa diiradda loogu saaray sameynta Maxkamadda Dastuuriga ah iyo sida ay u wajaheen dalalka Caalamka maadaama hada ay ka mid tahay waxyaabaha laga dhowrayo sharciga lagu sameynayo Guddiga Garsoorka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo khudbad ka jeediyey furitaanka siminaarkan ayaa ugu horeyn ku booriyey Guddiga Garsoorka ee Baarlamaanka jney ka faa’ideystaan waqtigooda inta lagu guda jiro siminaarkan loona baahan yahay iney si hufan u eegaan sharciyada garsoor ee aynu isaga mid nahay dalalka kale ee Caalamka waxaana uu Guddiga xasuusiyey howsha adag ee hortaala fulinteeda gaar ahaan sharciyada lagama maarmaanka u ah hiigsiga 2016ka.

Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa igu inta badan xiliyada fasaxa uu ku jiro Golaha Shacabka waxa ay tababarro aqoontooda sare loogu qaadayo kusoo qaataan dalka dibaddiisa ayadoo aqoon kororsiyadaasi inta ugu badan ay ka taageeraan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya hay’addo ay ugu horeyso hay’adda Association of European Parliamentarians with Africa (AWEPA) .
IMG_0388

IMG_0436

IMG_0447

IMG_0449

IMG_0455

IMG_0459

Previous Post

Xuska maalinta Afka Hooyo oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Machadka Luuqadaha iyo dhaqanka ee Jaamacadda Capital oo loogu magac-darey Dr. “Kaddare”

Next Post
Machadka Luuqadaha iyo dhaqanka ee Jaamacadda Capital oo loogu magac-darey Dr. “Kaddare”

Machadka Luuqadaha iyo dhaqanka ee Jaamacadda Capital oo loogu magac-darey Dr. “Kaddare”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In