Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Machadka Luuqadaha iyo dhaqanka ee Jaamacadda Capital oo loogu magac-darey Dr. “Kaddare”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Machadka Luuqadaha iyo dhaqanka ee Jaamacadda Capital oo loogu magac-darey Dr. “Kaddare”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa magaalada London lagu qabtey xaflad si heer sare ah ay  u soo diyaariyeen aqoon yahanno Soomaaliyeed laguna sii sagootinayey Dr Cabdulqaadir Wehliye Afrax  oo ah gudoomiyaha Jaamacadda Capital ee magaalada Moqdisho.

Dr. Cabdulqaadir ayaa warbixin dheer  ka siiyey aqoonyahanadi kulanka ka soo qeyb galey xaaladda waxbarasho ee jaamacadda Capital, isagoo xusay in hadafka Jaamacadda loo furey ay tahey in la soo saaro aqoon yahanno tayo leh.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Waxa uu si qoto dheer  uga waramay xiriirka wanaagsan ee uu la sameeyay Jaamacado, Collejooyin iyo Macaahiid kale sida Nursinka, Caafimaadka iyo Kuliyadda Technologiyadda ama Computer Engineering.

Dr. Wehliye oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in Hey’adahan wax barasho ay ballan qaadeen iney jaamacadda Capital ka caawin doonaan qalabeynta, Curiculumka iyo in ardeydu ay helaan shahadooyin Caalami ah.

Dhanka kale Dr. Wehliye ayaa munaasabadda uga dhawaaqey in Machadka Luuqadaha iyo dhaqanka ee Jaamacad Capital loogu magac darey Alaha u naxariistee,  Dr.  Xuseen Sheekh Ahmad “Kaddare” oo ka mid ahaa aas’aasayaashi qoraalka afka Soomaliga oo bishan horraanteedi ku geeriyoodey magalaada Muqdisho.

Aqoon yahannadi ka qeyb galey xafladan ayaa  aad u soo dhaweeyay hadalka Dr.  Wehliye kuna tilmaamey arrin taariiqi ah  in Dr. “Kaddare” loogu magac daro machadka Luuqada iyo dhaqanka ee Jaamacad Capital oo sanadka soo socdo isku badali doonta kuliyadda luuqadah iyo Dhaqnanka ee Dr.”Kaddare”.

Previous Post

Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Oo Kigali Siminaar Uga Furay Guddiga Garsoorka Ee Baarlamaanka “SAWIRRO”

Next Post

Juventus oo Sii Kordhisay Dhibcaha ay Ku Hogaamineyso Horyaalka Talyaaniga “SAWIRRO”

Next Post
Juventus  oo Sii Kordhisay Dhibcaha ay Ku Hogaamineyso Horyaalka Talyaaniga “SAWIRRO”

Juventus oo Sii Kordhisay Dhibcaha ay Ku Hogaamineyso Horyaalka Talyaaniga “SAWIRRO”

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In