Sanadkii 1972-dii ayey ahayd markii Qaramada Midoobay ay u asteeysay maalinta deegaanka Adduunka, waxaana maalintan oo kale laga xusaa adduunka oo dhan, iyadoo mar walba laga hadlo hadba waxa uu markaasi ku sugan Caalamka ee ku aadan Deegaanka iyo waxaana la soo hadal qaada hadba wixii cusub ee isku dhiirigigalinayo.
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee saameynta ku leh nolosha aadanaha waxaa ka mid ah sida uu u egyahay deegaanka uu aadanuhu ku nool yahay ee uu noloshiisu ay ku tiirsan tahay, balse Dhibaatooyinka deegaanka ee dalkeena Sopomaaliya waa mid aad u tiro badan oo saameyn adag ku yeelatay nolosha bini Aadamka iyo duurjoortaba, waxaana ka mid ah meelaha uu xaalufku ku dhacay waxaa ku yaraada Roobka, kadib waxaa la waayaa wax allaale waxay goostaan Xoolaha oo ay nolosha Soomaalidu ku tiirsan ah. Dhibaatooyinka deegaanka ee dalka waa mid aad u tiro badan oo saameyn adag ku yeelatay nolosha bini Aadamka iyo duurjoortaba.
Caqabadaha iyo dhibaatooyinka deegaanka ku dhaca waxa ay mar noqotaa mid dadka ay ka dhigaan deegaankooda mid aan laheyn manaafacaad dhanka wax soo saarka ah, marna waxaa jira dhibaatooyin dabiici ah oo dalka ka dhaca sida abaaraha soo laa laabta amaa biya yarida iyo xaalufka dhirta.
Waxyaabaha keena Xaaluf ayaa waxaa ka mid ah Jariidda Dhirta oo gogol u ah Dhulka, iyadoo dalkeena loo adeegsado Jariddaasi dhirta dhuxul la shito, marna dibadda loo dhoofiyo, taasi ayaa ah dhibaatada ugu weyn ee keenta Xaalufka iyo lamadegaanka.
Dhinaca kale waxyaabaha keena Deegaan wasaqowga waxaa ka mid ah Qiiqa hawada lagu sii daayo iyo Qashinka, nasiib wanaag Dalkeenna ma laha Warshado badan iyo baabuur badan oo hawada ku sii daaya Qiiq, balse waxaa khaati laga jooga Qashin iyo Bacaha, kuwaasi oo meel walba daadsan, kuwaasi oo wax u dhima Caafimaadka iyo Bilicdaba.
Haddaba waxaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Deegaanka Adduunka, waxaana lagu soo bandhigiay Dhibaatooyinka laga dhaxlo dikhowga hawada, xaalufinta dhirta iyo sida ugu haboon ee looga shaqeyn karo ilaalinta deegaanka ayey ku saabsaneyd munaasabadan oo lagu xusayey maalinta deegaanka oo dunida oo dhan looga dabaal dago.
Munaasabada oo ay soo qaban qaabiyeen Agaasinka bii’ada ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Dekedaha, Aqoonyahano iyo Marti sharaf kale.
Axmed Yuusuf Axmed oo ah Agaasimaha Guud ee bii’ada ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku dheeraaday ka hadalka muhiimadda ay leedahay xuska maalinta deegaanka, isagoo dhinaca kale xusay in ay diyaariyeen sharciyo kala duwan oo looga hortagayo nabaad guurka iyo xaalufinta dhirta, wuxuu kaloo uu sheegay in dhawaan la diyaarin doono lana horgeyn doono golaha Shacabka Mashruuc ku saabsan ilaalinta Bey’adda.
Agaasimaha guud ee Wasaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maxamuud Sheekh Cabdullahi ayaa xusay muhiimada ay leedahay ilaalinta deegaanka, Wuxuuna ku baaqay in la keeno sharci lagu ciqaabayo qof walba oo dhibaateeya deegaanka, arrintaasi uu ka dhawaajiyay Agaasimaha ayaa si weyn loogu qashuucay, balse waxaa loo baahan yahay inla hirgalaliyo ayaa laga dhawaajiyay.
Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS Marwo Maryan Aweys Jaamac oo munaasabadda soo xirtay ayaa sheegtay in bulshada looga baahan yahay in ay ka wada shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa dhibaateynta deegaanka oo laga dhaxlo abaaro iyo cuduro kala duwan , iyadoo ugu dambeyntiina Munasabadaasi Shahaadooyin la gudoonsiiyay shirkado iyo shaqsiyaad gacan ka geystay ilaalinta deegaanka, waxaa kale oo ay masuuliyiintu dhir beeris ka sameeyeen goobo kala duwan oo ka tirsan Magaalada Muqdisho.
W.D.Claahi Ruush