Wednesday, October 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Deegaanka oo lagu qabtay Muqdisho (FAALLO)

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Deegaanka oo lagu qabtay Muqdisho (FAALLO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sanadkii 1972-dii ayey ahayd markii Qaramada Midoobay ay u asteeysay maalinta deegaanka Adduunka, waxaana maalintan oo kale laga xusaa adduunka oo dhan, iyadoo mar walba laga hadlo hadba waxa uu markaasi ku sugan Caalamka ee ku aadan Deegaanka iyo waxaana la soo hadal qaada hadba wixii cusub ee isku dhiirigigalinayo.

 

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee saameynta ku leh nolosha aadanaha waxaa ka mid ah sida uu u egyahay deegaanka uu aadanuhu ku nool yahay ee uu noloshiisu ay ku tiirsan tahay, balse Dhibaatooyinka deegaanka ee dalkeena Sopomaaliya waa mid aad u tiro badan oo saameyn adag ku yeelatay nolosha bini Aadamka iyo duurjoortaba, waxaana ka mid ah meelaha uu xaalufku ku dhacay waxaa ku yaraada Roobka, kadib waxaa la waayaa wax allaale waxay goostaan Xoolaha oo ay nolosha Soomaalidu ku tiirsan ah. Dhibaatooyinka deegaanka ee dalka waa mid aad u tiro badan oo saameyn adag ku yeelatay nolosha bini Aadamka iyo duurjoortaba.

Caqabadaha iyo dhibaatooyinka deegaanka ku dhaca waxa ay mar noqotaa mid dadka ay ka dhigaan deegaankooda mid aan laheyn manaafacaad dhanka wax soo saarka ah, marna waxaa jira dhibaatooyin dabiici ah oo dalka ka dhaca sida abaaraha soo laa laabta amaa biya yarida iyo xaalufka dhirta.

Waxyaabaha keena Xaaluf ayaa waxaa ka mid ah Jariidda Dhirta oo gogol u ah Dhulka, iyadoo dalkeena loo adeegsado Jariddaasi dhirta dhuxul la shito, marna dibadda loo dhoofiyo, taasi ayaa ah dhibaatada ugu weyn ee keenta Xaalufka iyo lamadegaanka.

Dhinaca kale waxyaabaha keena Deegaan wasaqowga waxaa ka mid ah Qiiqa hawada lagu sii daayo iyo Qashinka, nasiib wanaag Dalkeenna ma laha Warshado badan iyo baabuur badan oo hawada ku sii daaya Qiiq, balse waxaa khaati laga jooga Qashin iyo Bacaha, kuwaasi oo meel walba daadsan, kuwaasi oo wax u dhima Caafimaadka iyo Bilicdaba.

Haddaba waxaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Deegaanka Adduunka, waxaana lagu soo bandhigiay Dhibaatooyinka laga dhaxlo dikhowga hawada, xaalufinta dhirta iyo sida ugu haboon ee looga shaqeyn karo ilaalinta deegaanka ayey ku saabsaneyd munaasabadan oo lagu xusayey maalinta deegaanka oo dunida oo dhan looga dabaal dago.

Munaasabada oo ay soo qaban qaabiyeen Agaasinka bii’ada ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Dekedaha, Aqoonyahano iyo Marti sharaf kale.

Axmed Yuusuf Axmed oo ah Agaasimaha Guud ee bii’ada ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku dheeraaday ka hadalka muhiimadda ay leedahay xuska maalinta deegaanka, isagoo dhinaca kale xusay in ay diyaariyeen sharciyo kala duwan oo looga hortagayo nabaad guurka iyo xaalufinta dhirta, wuxuu kaloo uu sheegay in dhawaan la diyaarin doono lana horgeyn doono golaha Shacabka Mashruuc ku saabsan ilaalinta Bey’adda.

Agaasimaha guud ee Wasaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maxamuud Sheekh Cabdullahi ayaa xusay muhiimada ay leedahay ilaalinta deegaanka, Wuxuuna ku baaqay in la keeno sharci lagu ciqaabayo qof walba oo dhibaateeya deegaanka, arrintaasi uu ka dhawaajiyay Agaasimaha ayaa si weyn loogu qashuucay, balse waxaa loo baahan yahay inla hirgalaliyo ayaa laga dhawaajiyay.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS Marwo Maryan Aweys Jaamac oo munaasabadda soo xirtay ayaa sheegtay in bulshada looga baahan yahay in ay ka wada shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa dhibaateynta deegaanka oo laga dhaxlo abaaro iyo cuduro kala duwan , iyadoo ugu dambeyntiina Munasabadaasi Shahaadooyin la gudoonsiiyay shirkado iyo shaqsiyaad gacan ka geystay ilaalinta deegaanka, waxaa kale oo ay masuuliyiintu dhir beeris ka sameeyeen goobo kala duwan oo ka tirsan Magaalada Muqdisho.

W.D.Claahi Ruush

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Agaasimaha wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi u Magacaabay Nimcaan Hillaac

Next Post

Horjoogayaa Al-Shabaab ahaa oo isu soo dhiibay Ciidanaka Xooga Dalka

Next Post
Horjoogayaa Al-Shabaab ahaa oo isu soo dhiibay Ciidanaka Xooga Dalka

Horjoogayaa Al-Shabaab ahaa oo isu soo dhiibay Ciidanaka Xooga Dalka

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In