Tuesday, April 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Qaxootiga Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Xuska Maalinta caalamiga ah ee Qaxootiga Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa maanta Muqdisho uga qeybgalay xuska maalinta caalamiga ee Qaxootiga.

Kulankan oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, hey’adda qaxootiga Adduunka ee UNHCR, qeybaha bulshada, qaxootiga iyo magangalyo-doonka iyo sidoo kale madaxda iyo howlwadeennada NCRI ayaa waxaa ay qaxootiga jooga dalka ay kusoo bandhigeen hiddo, dhaqan iyo howlo farsamo.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

In ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta oo howlgallo lagu dilay

April 21, 2026
Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

April 21, 2026

Dhankiisa, khudbad uu munaasabadda kajeediyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa ugu horreyn ka hadlay qiimaha maalintan isaga oo yiri “Sanadkasta 20-ka Juun waxaa dunida oo dhan laga xusaa maalinta Qaxootiga Adduunka si kor loogu qaado wacygelinta la xiriirta dhibaatooyinka heysta dadka qaxootiga ah iyo in bulshooyinka ay la noolyihiin lagu dhiirigeliyo in ay soo dhoweeyaan, ayna aqbalaan, isla markaana dalalku ka wada shaqeeyaan in loo helo xalwaara maadaama arrimaha qaxootigu uu noqday arrin heer caalimi ah oo u baahan in si wadajir ah wax looga qabto”

“Soomaaliya taariikh ahaan waxaa lagu yaqaan martigelinta iyo ilaalinta xuquuqda qaxootiga iyo magangalyo-doonka, si hiddahaasi u socdana, maanta waxaan martigelinnaa, oo qaxooti iyo magangalyodoon ahaan dalka ku sugan in ka badan soddon iyo shan kun (35,000)” ayuu intaas raaciyey.

Wasiir Cali Xoosh ayaa ka hadlay sida Dowladda Soomaaliya ay u daneyneyso qaxootiga iyo xuquuqdooda “Dalkeennu, tallaabooyinka xal u helidda qaxootiga waxaa qeyb ka ah inuu dhaqangal yahay sharciga Qaxootiga, kaas oo dhowraya dhammaan xuquuqda Qaxootiga ku nool dalka, sidoo kalena siinaya hannaan sharciyadeed oo ay ugu noolaan karaan Soomaaliya si xor ah”

Ugu dambeyn, waxaa uu bogaadiyey madaxda iyo howlwadeennada Hay’adada Qaxootiga Qaranka oo uu ugu baaqay caalamka in Soomaaliga lagu taageero howlahan

“Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI) ayaa ah hey’adda dowladda Soomaaliya u wakiilatay howlahan, shaqo fiican ayay ka qabatay diiwaangelinta qaxootiga, meeleyntooda iyo u helidda fursado ay ku hormariyaan noloshooda iyo midda qoyskooda, waana ku ammaanayaa madaxda iyo shaqaalahaba”.ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.

 

 

Previous Post

Somali FM Discusses Bilateral Relations with China Embassy Chargé d’Affaires

Next Post

Federal Government of Somalia Affirms Progress in Counterterrorism Efforts Amid VOA Disinformation Targeting Somalia

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Federal Government of Somalia Affirms Progress in Counterterrorism Efforts Amid VOA Disinformation Targeting Somalia

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

In ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta oo howlgallo lagu dilay

April 21, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu dilay in ka badan...

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

April 21, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu dadweynaha ku wargelinayaa in xogta rasmiga ah ee la xiriirta howlaha baarista, hantidhowrista,...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

April 21, 2026
0

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga ugu gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kirgistaan, Mudane Sadyr Japarov, isagoo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

April 21, 2026
0

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In