Monday, January 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda tacadiyada lala beegsado Suxufiyiinta (warbixin)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
4 years ago
in Wararka
0
Xuska maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda tacadiyada lala beegsado Suxufiyiinta (warbixin)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dalka Soomaaliya,waxa uu kamid yahay dalalka caalamka ee u dabbaaldegaya xuska maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda dambiyada ciqaab la’aanta ah ee loo geysto suxuufiyiinta,ka dib kolkii Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ay 2-da Noofambar u aqoonsadeen xuska maalinaasi.

Iyadoo la raacayo go’aanka Golaha ee tirsugiisu yahay A/RES/68/163 , soona baxay 2-dii November 2013-kii ,waxa uu dhigayey in dalka Soomaaliya iyo dunida kalebba,ay isu taagaan ka hortagga tacadiyada ku dhaca suxuufiyiinta iyo dhaqanka la xiriira ciqaab la’aanta dadka ka dambeeya falalkaasi.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

January 5, 2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

January 5, 2026

Haddaba,Dalka Soomaaliya,waxa uu ka mid yahay Dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee daneynaya in maalinta caalamiga ah ay noqoto mid lagu soo afjarayo isla xisaabtan la’aanta dambiyada dagaal ee ka dhanka ah suxufiyiinta.

Waa dhab in dalka Soomaaliya uu ka mid yahay dalalka ay sida xoogan uga jiraan tacadiyada loo geyso suxuufiyiinta,gaar ahaan dilalka,hanjabaadaha, rabshadaha iyo dembiyada abaabulan ee lala beegsado qeybaha warbaahita.

Waxaa xaqiiqo ah in sanadihi u dambeeyay Warbaahinta Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar weyn,waloow,ay barbar socdeen gumaad iyo xasuuq loo geysanaayey dadka xirfadlayaasha ah ee fursadda u helay in ay abuurtaan mustaqbal wanaagsan.

Inkasta oo dilku yahay nooca ugu xun ee hakin kara xowliga ay ku socdaan qeybaha warbaahinta,waxaa waajib ah in la helo cid u howlgasha dhowrista xorriyadda hadalka,gaar ahaan gudbinta macluumaadka iyo fikradaha dadweynaha ee lagama maarmaan u ah warbaahinta dunida.

Si looga baaqsado xadgudubyo dhalin kara cabsi iyo hakad shaqo, waa in ay jiraan heyado amni oo wax ka qabta tacadiya ay ka mid yihiin afduubka, jirdilka iyo weerarada kale.

Dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay gudaha dalka Soomaaliya iyo caalamkaba,waxaa ku dhintay in ka badan 1848 ruux oo isugu jiray shaqaale warbaahin iyo suxufiyiin,kuwaas oo ku howlanaa tabinata warar iyo barnaamijyo loo gudbinaayey bulshada.

Ciqaab la’aantu, waa mid dhaawaceysa arrimaha bulshada,isla markaana dhiirigelineysa in la qariyo xad-gudubyada xuquuqda aadanaha, musuqmaasuqa, iyo dembiyada kale

In la soo gabagabeeyo ciqaab la’aanta dambiyada ee laga galo saxaafiyiinta waa tallaabada ugu muhiimsan ee dammaanad qaadaya xorriyadda hadalka iyo helitaanka macluumaad dhameystiran oo ay u baaham yihiin muwaadiniinta.

Ujeedada guud ee xuska maalita caalamiga ah ayaa ah in la isku baraarujiyo wax ka qabashada dambilayaasha ka dambeeya xagudubyada suxuufiyiinta, iyo in la helo xal lagu badbaadiyo dadka ka shaqeeya qeybaha warbaahinta .

Gabagabadii farriinta muhiimka ah ee aan gudbineyno ayaa ah in dowladda fedeaalka ah iyo bulshada Soomaaliyeed ay garab istaagaan suxuufiyiinta,isla markaana ay qaataan doorka kaga aadan badbaadinta saxafiga.

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Taliyaha ciidamada Booliska Puntland

Next Post

Warka Subaxnimo

Next Post
Warka Subaxnimo

Warka Subaxnimo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

January 5, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar " Gen Khaalid" oo maalmihii la soo dhaafay howlo shaqo u...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

January 5, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hon. Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulankiisii ugu horreeyay la...

Wasiirka Warfaafinta oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo casriyeeyay

Wasiirka Warfaafinta oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo casriyeeyay

January 5, 2026
0

Muqdisho, 5 January 2026:- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daauud Aweys Jaamac ayaa maanta xarigga...

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay dilka Ismaaciil Haniya

War Saxaafadeed: Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir

January 5, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Gobolka Banaadir ku bogaadinaysaa qabsoomidda Doorashadii taariikhiga ahayd ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In