Wednesday, October 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda tacadiyada lala beegsado Suxufiyiinta (warbixin)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
5 years ago
in Wararka
0
Xuska maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda tacadiyada lala beegsado Suxufiyiinta (warbixin)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dalka Soomaaliya,waxa uu kamid yahay dalalka caalamka ee u dabbaaldegaya xuska maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda dambiyada ciqaab la’aanta ah ee loo geysto suxuufiyiinta,ka dib kolkii Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ay 2-da Noofambar u aqoonsadeen xuska maalinaasi.

Iyadoo la raacayo go’aanka Golaha ee tirsugiisu yahay A/RES/68/163 , soona baxay 2-dii November 2013-kii ,waxa uu dhigayey in dalka Soomaaliya iyo dunida kalebba,ay isu taagaan ka hortagga tacadiyada ku dhaca suxuufiyiinta iyo dhaqanka la xiriira ciqaab la’aanta dadka ka dambeeya falalkaasi.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

Haddaba,Dalka Soomaaliya,waxa uu ka mid yahay Dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee daneynaya in maalinta caalamiga ah ay noqoto mid lagu soo afjarayo isla xisaabtan la’aanta dambiyada dagaal ee ka dhanka ah suxufiyiinta.

Waa dhab in dalka Soomaaliya uu ka mid yahay dalalka ay sida xoogan uga jiraan tacadiyada loo geyso suxuufiyiinta,gaar ahaan dilalka,hanjabaadaha, rabshadaha iyo dembiyada abaabulan ee lala beegsado qeybaha warbaahita.

Waxaa xaqiiqo ah in sanadihi u dambeeyay Warbaahinta Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar weyn,waloow,ay barbar socdeen gumaad iyo xasuuq loo geysanaayey dadka xirfadlayaasha ah ee fursadda u helay in ay abuurtaan mustaqbal wanaagsan.

Inkasta oo dilku yahay nooca ugu xun ee hakin kara xowliga ay ku socdaan qeybaha warbaahinta,waxaa waajib ah in la helo cid u howlgasha dhowrista xorriyadda hadalka,gaar ahaan gudbinta macluumaadka iyo fikradaha dadweynaha ee lagama maarmaan u ah warbaahinta dunida.

Si looga baaqsado xadgudubyo dhalin kara cabsi iyo hakad shaqo, waa in ay jiraan heyado amni oo wax ka qabta tacadiya ay ka mid yihiin afduubka, jirdilka iyo weerarada kale.

Dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay gudaha dalka Soomaaliya iyo caalamkaba,waxaa ku dhintay in ka badan 1848 ruux oo isugu jiray shaqaale warbaahin iyo suxufiyiin,kuwaas oo ku howlanaa tabinata warar iyo barnaamijyo loo gudbinaayey bulshada.

Ciqaab la’aantu, waa mid dhaawaceysa arrimaha bulshada,isla markaana dhiirigelineysa in la qariyo xad-gudubyada xuquuqda aadanaha, musuqmaasuqa, iyo dembiyada kale

In la soo gabagabeeyo ciqaab la’aanta dambiyada ee laga galo saxaafiyiinta waa tallaabada ugu muhiimsan ee dammaanad qaadaya xorriyadda hadalka iyo helitaanka macluumaad dhameystiran oo ay u baaham yihiin muwaadiniinta.

Ujeedada guud ee xuska maalita caalamiga ah ayaa ah in la isku baraarujiyo wax ka qabashada dambilayaasha ka dambeeya xagudubyada suxuufiyiinta, iyo in la helo xal lagu badbaadiyo dadka ka shaqeeya qeybaha warbaahinta .

Gabagabadii farriinta muhiimka ah ee aan gudbineyno ayaa ah in dowladda fedeaalka ah iyo bulshada Soomaaliyeed ay garab istaagaan suxuufiyiinta,isla markaana ay qaataan doorka kaga aadan badbaadinta saxafiga.

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Taliyaha ciidamada Booliska Puntland

Next Post

Warka Subaxnimo

Next Post
Warka Subaxnimo

Warka Subaxnimo

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In