Wednesday, September 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta Miinada oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 4, 2022
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu weyneynayay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta miinooyinka ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, kaasi oo ay ka qeyb galeen Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, Agaasimaha Guud ee Hay’adda SEMA, Wakiilo ka kala socday Hay’ado Caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha miino baarka iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha Guud ee SEMA Daahir Cabdiraxmaan oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa sheegay inay jiraan qorsheyaal lagu ciribtirayo miinada iyo waxyaabaha qarxa.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo cambaareysay duqeyn Israa’iil ay ka geysatay Qatar

September 9, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo magacaabay Agaasimaha Santuuqa Qaran ee Maareeynta Khataraha Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo magacaabay Agaasimaha Santuuqa Qaran ee Maareeynta Khataraha Masiibooyinka

September 9, 2025

“Anigoo ku hadlaya magaca Hay’adda Maareynta Miinooyinka ee SEMA waxaa farxad inoo ah inaad nalaga qeybgashaan xuska munaasabadan Caalamiga ah, hal ku dhigeennu waa Dhul Nabdoon, guri Nabdoon iyo socod Nabdoon”. Ayuu yiri Agaasime Daahir.

Yuuwuf Cali Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in shanta sano ee soo socota la xoojin doono ka sifeynta dalka miinooyinka.

Mas’uuliyiin ka kala socday dowlad Goboleedyada iyo hay’adaha Caalamiga ah oo madasha ka hadlay ayaa qiray in miinooyinka qatar badan ay ku hayaan bulshada, loona baahanyahay in si wada jir ah looga sifeeyo dalka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Farxaan Cali Axmed ayaa sheegay in miinooyinka ay dhibaato badan ku hayaan bulshada, isla markaana saameyn ku yeelatay dadka reer guuraaga ah iyo Xoolo dhaqatada intuha.

Wasiirka ayaa xusay inay jiraan qorsheyaal lagu caawinayo dadka ku naafoobay miinooyinka, loona baahanyahay inay la soo xiriiraan hay’adda SEMA, si loo caawiyo.

“Sanadkiii 2006-da ayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa ay u aqoonsatay maanta oo kale 4ta April Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta miinooyinka iyo wax ka qabashada miinada, waxaana naga go’aan inaan dalka ka nadiifino haraadiga hubka iyo miinooyinka”. Ayuu yiri Wasiir Farxaan.

Wasiir farxaan ayaa hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay hal ku dhigga sanadkan oo ah “Dhul Nabdoon, Socod Nabdoon iyo Guri Nabdoon”.

Previous Post

Akhriso Guud ahaan Liiska Xildhibaannada qaatay Shahaadada

Next Post

Dr Cali X. Aadan oo ku guuleysatay kursiga HOP039

Next Post

Dr Cali X. Aadan oo ku guuleysatay kursiga HOP039

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo cambaareysay duqeyn Israa’iil ay ka geysatay Qatar

September 9, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqeymaha ay ciidamada Israa’iil ka geysteen magaalada Doha ee dalka Qatar, oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo magacaabay Agaasimaha Santuuqa Qaran ee Maareeynta Khataraha Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo magacaabay Agaasimaha Santuuqa Qaran ee Maareeynta Khataraha Masiibooyinka

September 9, 2025
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa u Magacabay Cabdullaahi Maxamuud Diiriye, Agaasimaha Santuuqa Qaran ee...

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay shir ku saabsan kahortagga leexsiga gargaarka bani’aadannimada

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay shir ku saabsan kahortagga leexsiga gargaarka bani’aadannimada

September 9, 2025
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) oo kaashanaysa Sanduuqa Carruurta Qaramada Midoobay (UNICEF) ayaa magaalada Muqdisho ku daah-furtay shir wadatashi oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka 2-aad ee Cimilada Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka 2-aad ee Cimilada Afrika

September 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika oo lagu qabtay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In