Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Maalinta dhir beerista Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Xuska Maalinta dhir beerista Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Weyneynta xuska maalinta dhir-beerista Qaranka Soomaaliyeed oo ku beegan 17 April  iyo daahfurka Olale  lagu beerayo in ka badan toban kun  oo geed ayey ku saabsaneyd munaasabadan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada, Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Xukumadda federaalka ah ee Soomaaliya, isla markaana uu goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Aadan Macalin Soomaali, Wasiirada Xanaanda Xoolaha ee Hirshabelle iyo Jubbaland, Ururada ka shaqeeya arrimaha Xoolaha, qeybaha kala duwan ee shaqalaha Wasaaradda iyo marti sharaf kale

Munaasabada oo lagu soo bandhigay Fa’iidada ay dhirtu leedahay iyo Dhibaatada laga dhaxlo nabaad guurka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay  Agaasimaha Waaxda Dhirta iyo Daaqa ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dr Xaashi Cismaan Maxamed iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Cumar Nuur, kuwaasi oo xusay in dhirta ay u leedahay bulshada faa’iidooyin badan.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026

Wasiirada Xananada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee maamul Goboleedyada Hirshabelle iyo Jubbaland ayaa dhankooda sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii loo ilaalin lahaa dhirta oo faa’iido u leh dadka iyo duunyada, lagana hortago cidkasta oo dhirta xaalufineysa.

Wasiirka Xanaanada ,Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin Soomaali oo munasabada soo xiray ayaa xusay in Ilaalinta dhirta ay muhiimad weyn ugu fadhiso Qaranka, ka Wasaarad ahaana ay ka shaqeyn doonaan sidii loo kobcin lahaa, loogana hortagi lahaa xaalufinta iyo nabaad guurka lagu hayo dhirta.

Dhinaca kale Wasiir Maxamed Soomaali ayaa tilmaamay inay soo celin doonaan kooxdii Waxool, isla markaana ay qaban doonaan kulamo Isboorti oo lagu weyneynayo maalinta dhir beerista Qaranka  Soomaaliyeed

Ugu dambeyn Mas’uuliyiinta  ayaa xaruunta dhexe ee Wasaaradda Xanaaada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya ka  daahfuray  Olalaha  lagu beerayo in ka badan toban kun  oo geed, waxeyna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeyn iney ka shaqeeyaan sidii dalka oo dhan dhir beeris loogu sameyn lahaa.

Previous Post

Wasaaradda Gashaan dhiga Ruushka oo sheegtay in ay burburiyeen warshad Rasaasta sameeyso

Next Post

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay si diirran u...

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

April 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wada-tashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo uu...

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Raisedon Zenenga

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Raisedon Zenenga

April 8, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa la kulmay Mudane Raisedon Zenenga, Ku simaha Madaxa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In