Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska maalinta macalinka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xuska maalinta macalinka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad balaaran oo lagu maamuusayay maalinta Macalinta Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay xarunta xanaanada agoonta gabdhaha Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda xuska maalinta macalinta Soomaliyeed oo uu soo qaban qabiyay ururka macalimiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeybgalay gudoomiyaha isutagga Midowga ururada shaqaalaha Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Xaaji, gudoomiyaha ururka macaliminta Qaranka Soomaaliyeed Macalin Yaroow, gudoomiye ku xigeenka uruka Macalimiinta Qaranka  marwo Nuurto Maxamed Caddoow, macalimiin, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Ubaxa xarunta xanaanada gabdhaha Boondheere ayaa halkaasi ku soo bandhigay heeso qiiro leh oo ay ku muujinayeen qiimaha macalinka Soomaaliyeed, waxaana ubaxaasi ka dhex muuqday fanaanadda Muslimo Qaasin Hilowle oo ah macalin suugaaneed.

Ugu horeynti munaasabadda waxaa ka hadlay Sahro Xasan Axmed oo ku hadashay magaca macalimiinta Soomaaliyeed oo ku dheeraatay qiimaha macalinka Soomaaliyeed iyo duruufaha adag ee uu ku shaqeeyo.

Gudoomiye ku xigeenka ururka macalimiinta Qaranka Soomaaliyeed Nuurto Maxamed Caddoow oo ka hadashay munasabadaasi ayaa hambalyo u dirtay macalimiinta Soomaaliyeed,  iyadoo ku bogaadisay howsha adag oo ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed, waxeyna u rajeeysay horumar iyo baraare.

Nuurto Maxamed Caddoow oo ah gudoomiye ku xigeenka ururka macalimiinta Qaranka Soomaaliyeed ahna  maamulaha xarunta xanaanada gabdhaha agoonta ee Boondheer ayaa sheegtay in ururka macalimiinta Qaranka uu dadaal ugu jiro mideynta macalimiinta Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha isutagga midowga ururada shaqaalaha Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Xaaji ayaa macalimiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta macalinka, ayaa ka hadlay waxqabadka iyo qiimaha uu macaliminka Soomaaliyeed u leeyahay bulshada Soomaaliyeed.

Xuska maalinta macalinka Soomaaliyeed oo ku asteysan 21 Novembar ayaa ku beegan maalinta berri ah, iyadoo ururka macalimiinta Qaranka Soomaaliyeedna uu xuska maalintaasi maanta oo jimco ah ku qabtay Muqdisho .

bb5dd6ff-50a8-43f4-948f-dc01a5ca6a43

DSC09704 DSC09705 DSC09718 DSC09720 DSC09721 DSC09723 DSC09724 DSC09726 DSC09727 DSC09730 DSC09734 DSC09736 DSC09745 Somali-National-Union-of-Teachers-Logo

 

 

Previous Post

Agaasimaha Radio Muqdisho oo la kulmay agaasimaha Wakaaladda Wararka Kuwait

Next Post

Shacab Caraysan oo Degmada Xagar ka Saaray Shabaabkii ku Sugnaa

Next Post
Shacab Caraysan oo Degmada Xagar ka Saaray Shabaabkii ku Sugnaa

Shacab Caraysan oo Degmada Xagar ka Saaray Shabaabkii ku Sugnaa

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In