Monday, July 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska maalinta macalinka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 20, 2015
in Wararka
0
Xuska maalinta macalinka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad balaaran oo lagu maamuusayay maalinta Macalinta Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay xarunta xanaanada agoonta gabdhaha Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda xuska maalinta macalinta Soomaliyeed oo uu soo qaban qabiyay ururka macalimiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeybgalay gudoomiyaha isutagga Midowga ururada shaqaalaha Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Xaaji, gudoomiyaha ururka macaliminta Qaranka Soomaaliyeed Macalin Yaroow, gudoomiye ku xigeenka uruka Macalimiinta Qaranka  marwo Nuurto Maxamed Caddoow, macalimiin, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Masar

July 6, 2025
Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

July 6, 2025

Ubaxa xarunta xanaanada gabdhaha Boondheere ayaa halkaasi ku soo bandhigay heeso qiiro leh oo ay ku muujinayeen qiimaha macalinka Soomaaliyeed, waxaana ubaxaasi ka dhex muuqday fanaanadda Muslimo Qaasin Hilowle oo ah macalin suugaaneed.

Ugu horeynti munaasabadda waxaa ka hadlay Sahro Xasan Axmed oo ku hadashay magaca macalimiinta Soomaaliyeed oo ku dheeraatay qiimaha macalinka Soomaaliyeed iyo duruufaha adag ee uu ku shaqeeyo.

Gudoomiye ku xigeenka ururka macalimiinta Qaranka Soomaaliyeed Nuurto Maxamed Caddoow oo ka hadashay munasabadaasi ayaa hambalyo u dirtay macalimiinta Soomaaliyeed,  iyadoo ku bogaadisay howsha adag oo ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed, waxeyna u rajeeysay horumar iyo baraare.

Nuurto Maxamed Caddoow oo ah gudoomiye ku xigeenka ururka macalimiinta Qaranka Soomaaliyeed ahna  maamulaha xarunta xanaanada gabdhaha agoonta ee Boondheer ayaa sheegtay in ururka macalimiinta Qaranka uu dadaal ugu jiro mideynta macalimiinta Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha isutagga midowga ururada shaqaalaha Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Xaaji ayaa macalimiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta macalinka, ayaa ka hadlay waxqabadka iyo qiimaha uu macaliminka Soomaaliyeed u leeyahay bulshada Soomaaliyeed.

Xuska maalinta macalinka Soomaaliyeed oo ku asteysan 21 Novembar ayaa ku beegan maalinta berri ah, iyadoo ururka macalimiinta Qaranka Soomaaliyeedna uu xuska maalintaasi maanta oo jimco ah ku qabtay Muqdisho .

bb5dd6ff-50a8-43f4-948f-dc01a5ca6a43

DSC09704 DSC09705 DSC09718 DSC09720 DSC09721 DSC09723 DSC09724 DSC09726 DSC09727 DSC09730 DSC09734 DSC09736 DSC09745 Somali-National-Union-of-Teachers-Logo

 

 

Previous Post

Agaasimaha Radio Muqdisho oo la kulmay agaasimaha Wakaaladda Wararka Kuwait

Next Post

Shacab Caraysan oo Degmada Xagar ka Saaray Shabaabkii ku Sugnaa

Next Post
Shacab Caraysan oo Degmada Xagar ka Saaray Shabaabkii ku Sugnaa

Shacab Caraysan oo Degmada Xagar ka Saaray Shabaabkii ku Sugnaa

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Masar

July 6, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

July 6, 2025
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Aadan Geesood, ayaa maanta safar ku tagay magaalada Laascaanood, xarunta...

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed oo la daah-furay

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed oo la daah-furay

July 6, 2025
0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wasiirka Caafimaadka XFS ayaa si rasmi ah u Daah-furay Dhismaha cusub...

Wasaaradda Qorsheynta XFS Oo Daahfutay Daraasaad Ku Saabsan Doorka Aqoonta iyo Xirfadaha

Wasaaradda Qorsheynta XFS Oo Daahfutay Daraasaad Ku Saabsan Doorka Aqoonta iyo Xirfadaha

July 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 06-JULY-2025- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Iyo Maalgashiga XFS Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax (Beene-Beene) ayaa maanta waxa uu  daahfuray daraasaad ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In