Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Maalinta Wadnaha Adduunka oo Muqdisho lagu qabtay

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Xuska Maalinta Wadnaha Adduunka oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa daah furay Munaasabadda Xuska Maalinta Wadnaha Adduunka oo sanad waliba 29 September laga xuso dunida oo dhan.

Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Xukuunadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Maxamed Barre Xubno ka socday labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, Dhaqaatiir aqoon yahano iyo bahda Caafimaadka.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026

Munaasabadda, ayaa lagu soo bandhigey sidii wax looga qaban lagaa xanuunada ku dhaca Wadnaha iyo sidii loo sii xoojin lahaa wacyi gelinta bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan sidii looga hortagi lahaa Cudurkan islamarkaana loo heli lahaa tallooyin Caafimaad oo ku saabsan ka hortagga Cudurada ku dhaca Wadnaha.

Madasha Xuska maalinta Wadnaha Adduunka waxaa lagu soo bandhigey fariimo, daraasado, iyo cilmi-baarisyo kala duwan oo ku saabsanaa sida loogu hortagi karo cudurada ku dhaca Wadnaha iyo sidoo kale sidii loo xoojin lahaa wacyi-gelinta ka hortagga Wadna xanuunka.

Mas’uuliyiinta iyo Dhaqaatiirtii kasoo qeybgashey madasha Xuska maalinta Caalamiga ah ee Wadnaha ayaa xusey in loo baahan yahay kor u qaadista heerka wacyineed ee xanuuka Wadnaha si loo badbaadiyo bulshadeena, maadaama wadamada bulshooyinkoodu ay la daalaa dhacayaan Xanuunka Wadnaha ay ka mid tahay Soomaaliya.

Dr Xamdi Maxamuud Cismaan maamulaha Barnaamijka Cuduradda aan la kala qaadin oo qaadatey kalmadda Soo dhawaynta Xuska maalinta Caalamiga ah ee Wadnaha ayaa u mahad celisey Dhaqaatiirta iyo madaxdii kasoo qeybgashey munaasabadda waxayna si gaar ah ugu mahadcelisey Isbitaalka Redsea oo kaalin mug leh ka qaatey isku soo daba ridka munaasabadda Xuska maalinta Wadnaha Adduunka oo sanadkan si wayn looga xusey Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegey in muuhiim ay tahay maalgashiga dhanka Caafimaadka maadaama Caafimaadku yahay kan ugu muhiimsan bulshadeena, waxa uuna sidoo kale bulshada Soomaaliyeed ugu baaqey in ay markasta wacyi ahaan u diyaarsanaadaan sidoo kalena ku kalsoonaadaan Dhaqaatiirtooda Soomaaliyeed oo marba marka ka dambeeysa samaynaya horumar ballaaran oo dhanka Caafimaadka ah.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an sare u qaadida wacyi gelinta ka hortagga cudurada ku dhaca wadnaha iyo xanuunada kale iyo helitaanka Caafimaad dhamaystiran oo tayo leh islamarkaana ka hirgala guud ahaan dalka si loo gooro yoolka dowladda ee hagaajinta iyo xoojinta nidaamka Caafimaadka Soomaaliya.







Previous Post

Hay’adda SODMA oo ka digniin ka soo saartay khatarta Duufaanta El-nino

Next Post

Gudigga amniga KGS oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha gudaha KGS

Next Post
Gudigga amniga KGS oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha gudaha KGS

Gudigga amniga KGS oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha gudaha KGS

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In