Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Maalinta Wadnaha Adduunka oo Muqdisho lagu qabtay

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Xuska Maalinta Wadnaha Adduunka oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa daah furay Munaasabadda Xuska Maalinta Wadnaha Adduunka oo sanad waliba 29 September laga xuso dunida oo dhan.

Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Xukuunadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Maxamed Barre Xubno ka socday labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, Dhaqaatiir aqoon yahano iyo bahda Caafimaadka.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026

Munaasabadda, ayaa lagu soo bandhigey sidii wax looga qaban lagaa xanuunada ku dhaca Wadnaha iyo sidii loo sii xoojin lahaa wacyi gelinta bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan sidii looga hortagi lahaa Cudurkan islamarkaana loo heli lahaa tallooyin Caafimaad oo ku saabsan ka hortagga Cudurada ku dhaca Wadnaha.

Madasha Xuska maalinta Wadnaha Adduunka waxaa lagu soo bandhigey fariimo, daraasado, iyo cilmi-baarisyo kala duwan oo ku saabsanaa sida loogu hortagi karo cudurada ku dhaca Wadnaha iyo sidoo kale sidii loo xoojin lahaa wacyi-gelinta ka hortagga Wadna xanuunka.

Mas’uuliyiinta iyo Dhaqaatiirtii kasoo qeybgashey madasha Xuska maalinta Caalamiga ah ee Wadnaha ayaa xusey in loo baahan yahay kor u qaadista heerka wacyineed ee xanuuka Wadnaha si loo badbaadiyo bulshadeena, maadaama wadamada bulshooyinkoodu ay la daalaa dhacayaan Xanuunka Wadnaha ay ka mid tahay Soomaaliya.

Dr Xamdi Maxamuud Cismaan maamulaha Barnaamijka Cuduradda aan la kala qaadin oo qaadatey kalmadda Soo dhawaynta Xuska maalinta Caalamiga ah ee Wadnaha ayaa u mahad celisey Dhaqaatiirta iyo madaxdii kasoo qeybgashey munaasabadda waxayna si gaar ah ugu mahadcelisey Isbitaalka Redsea oo kaalin mug leh ka qaatey isku soo daba ridka munaasabadda Xuska maalinta Wadnaha Adduunka oo sanadkan si wayn looga xusey Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegey in muuhiim ay tahay maalgashiga dhanka Caafimaadka maadaama Caafimaadku yahay kan ugu muhiimsan bulshadeena, waxa uuna sidoo kale bulshada Soomaaliyeed ugu baaqey in ay markasta wacyi ahaan u diyaarsanaadaan sidoo kalena ku kalsoonaadaan Dhaqaatiirtooda Soomaaliyeed oo marba marka ka dambeeysa samaynaya horumar ballaaran oo dhanka Caafimaadka ah.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an sare u qaadida wacyi gelinta ka hortagga cudurada ku dhaca wadnaha iyo xanuunada kale iyo helitaanka Caafimaad dhamaystiran oo tayo leh islamarkaana ka hirgala guud ahaan dalka si loo gooro yoolka dowladda ee hagaajinta iyo xoojinta nidaamka Caafimaadka Soomaaliya.







Previous Post

Hay’adda SODMA oo ka digniin ka soo saartay khatarta Duufaanta El-nino

Next Post

Gudigga amniga KGS oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha gudaha KGS

Next Post
Gudigga amniga KGS oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha gudaha KGS

Gudigga amniga KGS oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha gudaha KGS

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In