Xaflad balaaran oo lagu xusayay sanadguurada ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Kismaayo, waxaana ka qeybgalay saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland.
Jeneraal Dhuumaal oo ka mid ah saraakiishi ka hadashay munaasabaddaasi ayaa ugu baaqay taliska guud ee ciidanka Booliiska in uu dib u dhis iyo tayeeyn balaaran ku sameeyo ciidanka gaar ahaan kuwa ka howlgala gobollada dalka, si ay u hantaan ammaanka guud ee dalkeena Soomaaliya, isagoo sheegay ineey jiraan duruufo kala duwan oo heysta ciidanka booliiska.
Jeneraal Gaboobe oo ah taliyaha ciidanka booliiska Jubbaland oo munaasabaddaasi ka hadlay ayaa hambalyo u diray ciidanka booliiska Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in ay xilligaan wadaan qorshayaal kala duwan oo lagu tayeeynayo ciidanka Booliiska Jubbaland.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Jeneraal C/llaahi Sheekh Ismaaciil โFartaagโ ย oo munaasabadda soo xiray ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay billaabi doonaan qorshayaal lagu horumarinayo ciidanka booliiska Jubbaland, isagoo xusay in maamulku bixin doono mushaaraadka ciidanka iyo xuquuqdoodaba.
Wuxuu hambalyo u diray ciidanka booliiska Soomaaliyeed, isagoo u rajeeyay in sanadkan sanadkiisa ay ku gaaraan baraare iyo horumar.