Afhayeenka Isbaheysiga Carabta ee uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa sheegay in kooxda Xuutiyiinta maanta afduuubteen markab maraayay meel u dhaw xeebaha gobalka Xudeyda ee dalka Yemen.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in markabku siday qalab loogu tala galay in la geeyo Isbitaal ku yaal jasiiradda Socotra si wax loogu qabto dadka deegaankaas ee baahida weyn u qaba adeegga Caafimaad.
Dhanka kale, Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegaty inay qabteen markab laga leeyahay Imaaraatka kaas oo si sharci darro ah kusoo galay dalka Yemen.
Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa sheegay in markabka ay saarnaayeen saanad ciidan iyo qalab kale.