Gaaleysiinta ama in qof muslim ah lagu tilmaamo in uu diinta ka baxay, si banneysto dhiiggiisa, xoolihiisa iyo karaamadiisa waa arrin aad u culus.
In qof muslim ah lagu tilmaamo gaal waa arrin aad culus iyo dambi weyn, diintuna aad ayay uga digtay.
Kooxaha xag-jirka ah ayay caado u tahay inay diin ka bax ku eedeeyaan dadka aan afkaartooda la dhacsaneyn, ka dibna ay sidaas ku banneystaan dhiigga iyo xoolaha dadka ay ku gaalnimo xugmiyeen.
Waxaa la yaab leh in kooxahani ay gaalnimo u dilayaan dad masaajid ku cibaadeysanaya iyo kuwo soomman , taas oo muujineysa sida ay diinta uga been sheegayaan.
Gaaleysiinta muslimiinta, maxay shareecadu ka qabtaa? Yaase go’aamin kara in qof uu diinta ka baxay iyo kale? Waa mowduuca toddobaadkan uu ku saabsan yahay barnaamijka Tubta Toosan oo uu marti noogu yahay Sheikh Cabdullaahi Axmed Garruun.